Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya wararka ku saabsan cadaadiska saaran taliyaha booliiska Soomaaliya Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid , oo wajahaya xil ka qaadis.
Jeneral Saacid ayaa eedeyn ba’an ugu timid laamaha amniga, gaar ahaan Agaasimaha Nabadsugida Sanbaloolshe oo madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddiga amniga u gudbiyay dacwad ka dhan ah, isagoona ku eedeeyay wada shaqeyn la’aan iyo leysinimo, waxna ka qaban waayay xog sirdoon oo ku saabsan falal amaan daro.
Taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay Jen. Saacid in xog sirdoon oo uu la wadaagay waxba ka qaban waayay, ayna dhaceen wixii uu la wadaagay oo aheyd inuu wax ka qabto.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in maalintii la wareeray sladhigga booliiska degmada Waaberi toddobaad ka hor, uu Jeneral Saacid uu hurday, xilli duhurnimo ay ka ahayd Muqdisho, taasi oo aad looga carrooday.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in xil ka qaadis lala damacsan yahay Saacid, uu hor istaagan yahay agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin oo abti ugu aadan Fahad Yaasin.
Waxaa la og yahay in Jen. Saacid uu horay xilkaan usoo qabtay, kuna guuldareystay maamulka ciidamada booliska iyo wax ka qabashada arrimaha amaanka, iyadoo dhawaana arrimaha maaliyada booliska laga wareejiyay markii ay soo baxeen cabasho la xiriirta masuq uu sameeyay.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Halkan ka gal mareegta aan ka soo xigtey, xogtan