29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sidee ayuu Keating u arkaa habka shaqo ee ay DF ku hogaamineyso Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa si kooban uga hadlay isbedelada dhanka Siyaasada oo ay ku talaabeyso Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay ka curatay Siyaasad cusub oo muujineysa isbedel dhan waliba ah.

Michael Keating, waxa uu bogaadiyay hanaanka ay dowlada Somalia u hirgalineyso DFS oo iyadu la imaaneysa hanaan Siyaasadeed oo ka duwan kuwii hore.

Mr Keating, waxa uu tilmaamay in Isbedelada jira xitaa uu saameeyay howlaha dibadda, waxa uuna farta ku goday in Somalia ay leedahay mustaqbal fog.

Waxa uu xusay in dhammaan go’aanada ay DFS ku hormarineyso Siyaasadeeda ay dhiiri galineyso QM, waxa uuna ku baaqay in si dhow loola shaqeeyo dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay in QM ay si dhaba isku dul-taagi doonto Somalia, isla markaana ay ka caawin doonto dhan waliba, si loo helo Siyaasad la jaanqadi karta adduunka.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa dowlda Somalia ku booriyay inay ka dhabeyso dhammaan ballanqaadyadii ay sameysay mudadii ay ku guda jirtay kasbashada Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu amaanay inay la imaaday isbedel dhanka Siyaasada ah, halka markii hore la rumeysnaa in dowladu ay aheyd mid ka liidatay dhanka Siyaasada Gudaha iyo Dibadda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News