29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ugandha oo Somalia usoo direysa ciidamo iyo saraakiil hor leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka socda dalka Ugandha ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay soo gaaran magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ciidamadani ayaa la sheegay in lagu biirin doono ciidamo dhowr kun oo dowlada Ugandha kaga sugan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Ciidamadani oo ka tirsan Booliska Ugandha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ugu diyaarsan Saraakiil ka tirsan Taliska ciidamada AMISOM, qeybtooda Booliska.

Ciidamada kusoo fool leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhex jira ilaa 13 Sarkaal oo hogaamin doona ciidamada, waxa ayna sidoo kale, bedeli doonaa Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Uganda oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa Ciidamada Booliiska dowlada kala Shaqeyn doona Sugida amniga dalka, gaar ahaan xarumaha dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ugandha ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidamo aad u farabadan kuwaa oo ku faafsan min Muqdisho ilaa Gobolada qaar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News