Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay in maamulkiisa uu si rasmi ah u yeelan doono taliska guud ee ciidamada Maamulka.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in go’aanka lagu magacaabay Taliska maamulka uu yahay mid ka danbeeyay natiijo kasoo baxday heshiis uu la galay beelaha degan deegaanka.
Cosoble waxa uu Iclaamiyay in Taliska guud ee maamulka uu yahay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Shabeelaha Dhexe iyo kuwa ku sugan Hiiraan in taliskooda guud uu noqon doono Magaalada Buulo Burde.
Sidoo kale, Hogaamiye Cosoble ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshaha lagu dhisaayo ciidanka Booliska Hirshabelle.
Haddalka Cosoble ayaa kusoo beegmaaya xili mas’uuliyiinta maamulka ay dhowr jeer ku qeyla dhaamiyeen in maamulka loo sameeyo taliska Xarunta Ciidamada Hirshabeelle.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

