28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo xirtay markabkii jaray fiilada Internet-ka iyo lacag lagu dayn doono

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay xirtay markabkii jaray fiilada Internet-ka siin jirtay bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Markabka ay xirtay dowlada Somalia ayaa laga leeyahay dalka Cumaan, sida laga soo xigtay Saraakiisha Dekadda Muqdisho ee loo xilsaaray la socodka markabka la xiray.

Mid kamid ah Saraakiisha la socda dhaqdhaqaaqa markabka ayaa xaqiijiyay in markabka uu ku xiran yahay Dakadda Muqdisho.

Sargaalka ayaa tilmaamay in deysmada markabka jaray fiilada uu yahay mid ku xiran bixinta lacago magdhaw ah oo cadadkeeda uu ku sheegay $2,000,000 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Markabka ayaa fiilada Internedka jaray 24-kii June kaa oo ilaa iyo hadda aan dib usoo laaban, walow ay jiraan dadaalo lagu doonaayo in lagu soo celsho Internedka maqan.

Sidoo kale, maqnaanshiyaha Internedka ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay Xarumaha DFS, Shirkadaha Xawaaladaha, Duulimaadyada, Warbaahinta iyo Bangiyada Muqdisho.

Geesta kale, DFS ayaa sheegtay in maalin waliba la qasaaray lacag dhan 10 Milyan oo dollar sababo la xiriira Ineternet-ka maqan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News