29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Miisaaniyadda DF oo muran dhalisay kadib markii loogu eexday maamulada qaar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka horyimid miisaaniyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u gudbisay baarlamanka, oo ay sheegeen inay ka muuqato caddaalad darro xoogan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in maamulada qaar la siiyo lacag aad u yar halka kuwa kalena lacag xad dhaaf ah la siiyey ayna tahay caddaalad darro.

Waxay tusaale usoo qaateen in Maamul goboleedka Puntland oo dhaqaale ahaan ah kan ugu wanaagsan, haddana uu yahay midka helaya lacagta ugu badan ee dowladda dhexe oo ah $4,675,000 (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun).

Sidoo kale Maamulka Jubbaland, oo isna ah, midka kusoo xiga kaas dhaqaale ahaan,  ayaa waxaa uu helayaa lacag dhan $2,695,000 (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shankun)

Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa si isku mid ah iyana waxay u helayaan lacag gaareysa $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun)

Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso ayaa noqday maamulka ugu lacagta yar, waxaana uu helayaa lacag dhan $700,000 (Todobo boqol oo kun).

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir oo ah xarunta dowladda Federaalka ayaa u qoran lacag dhan $7,000 000 (Todobo milyan oo dollar), inkasta oo uu yahay kan lacagta ugu badan badankeed soo xareeya.

Arrintan ayaa xildhibaanadu sheegeen inay tahay caddaalad darrada oo loogu eexanayo maamullada qaar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News