Shacabka Puntland oo qaati ka taagan Daacish oo boob ku haysa hantidooda

Qandala (Caasimada Online) – Qeyla dhaan xooggan ayaa kasoo yeereyso dadka reer miyiga ah ee dega deegaanada hoosyimaada degmada Qandala ee gobolka Bari.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii maliishiyada kooxda Daacish ee ku sugan deegaanada hoos yimaada Qandala ay dadka shacabka ee reer guuraaga ah ka dhacaan xoolahooda kadibna la gala gododka buuraha deegaanadaasi.

Dadka reer miyiga ah ayaa bilaabay in ay ka soo barakacaan deegaanada qaar si ay ula soo baxsadaan xoolahooda.

Dad diiday in magacooda la xigto ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in ay wax ka qabtaan si deg deg ahna looga soo gaaro boonka Daacish ay ku hayso shacabka reer miyiga ah.

Deegcanada hoos yimaada degmada Qandala ayaa ayaa waxaa ku sugan kooxda Daacish oo si dhuumaaleysi ah ugu nool gododka buuraha Qandala ku hareereysan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com