Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhalinyarada Jubbaland ee ka tirsan baarlamaanka Somalia.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay inay badbaadiyaan dalka iyo dadkoowada, waxa uuna ka digay inay ku sifooban kamid noqoshada garabyada burburka la damacsan Qaranka.
Waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland laga doonayo inay u hiiliyaan Qaranka isla markaana ay ka fogaadan wixii sharafka ka qaadi kara.
Isagoo ka hadlaayay shir uu magaalada Kismaayo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayuu yiri ”Ma dooneyno in Xildhibaanada Jubbaland ay ku sifooban dhibaato iyo burbur Qaran, Xildhibaankii ay nagu badato dhaliishiisa ku aadan jaanroga Xukuumada iyo guud ahaan dowlada waxaan ka qaadan doonaa talaabo cad”
”Anagu waxaa mas’uuliyad naga saaran inaan qeyb ka dhisno Qaranka, waxaa sharaf dhac inoo ah inaan laqdabo ku sameyno Qaranka, waxaan sidaa darteed dalbaneynaa in Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ay ka fiirsadan talaabooyinka ay qaadayan”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan diyaar u aheyn in la carqaladeeyo howlo khuseeya Malaayiin Soomaali ah.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya mid uu ku garab istaagayo Xukuumada Somalia, oo waayadani ay ku kacsanaayen Xildhibaanada baarlamaanka.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

