Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Express ee dalka Koonfur Afrika ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayay 10-ka Dal ee ugu Ragga Qurxoon Qaaradda Afrika, waxaana liiskan lagu soo daray Soomaaliya.
Wargeyska oo qoraalkiisu iska ahaa qormo lagu faaqidayo Ragga Afrika ugu qurxoon iyo dalalka ay aksoo jeedaan ayaa qaabka qiimeynta ku saleeyay muuqaalka jir ahaaneed ee Qofka, Midabkiisa, Dabeecadaha iyo howlkarnimadiisa.
10 – GHANA :
Ragga Ghana waa Rag xushmad badan,waxna ka garanaya macnaha Jacaylka,sidoo kalena ku wanaagsan Sariirta iyo mas’uuliyadda reerka.
Wa Rag dhegeysta Dumarka,una dul qaata marka ay ku suganyihiin xaaladaha gaarka ah.
- KENYA
Ragga Kenya waxaa ay kaalinta 9aad ku heleen waxaa lagu tilmaamay Rag badan banana,ku wanaagsan mas’yuuliyadda Dumarka doorta,howl kar ah sidoo kalena macnaha nolosha garanaya.
- TANZANIA
Ragga Tanzania waxaa ay kaalinta 8aad ka galeen liiskan,waxaana ay ku hanteen Nadaafadda,ad adeygga iyo howlkar nimada,waxaana hal heys u ah haddii aad dooneyso ubad Adduunyada ka muuqda guurso Ragga Tanzania.
7- SOUTH AFRICA :
South Africa,waa Guriga dadka qurxoon Qaaradda Afrika ka billow Magaalooyinka Cape town, Johannesburg, Pretoria iyo Durban,waxaad ka heli kartaa Koofur Afrikaan Caddaan ah iyo Koofur Afrikaan Madow ah.
6.ANGOLA
Ragga Angola waxaa ay ka midyihiin kuwa ugu qurxoon Afrika,waxaana ay ka heleen qeyb ahaan raadkooda gala Brazil ,muuqaalka Shukulaatada leh ee ay leeyihiin,Raggooda uma badna maba ma adeegsadaan Cream,waana ay qurxoonyihiin.
5- CAPE VERDE ISLANDS
Inkasta oo aysan ahayn dal caan ka ah Afrika haddana CAPE VERDE,waxaa laga helaa kuwo ka mid ah Ragga ugu quruxda badan Afrika,sababaha waxaa lagu soo xushay in Raggooda ay ku wanaagsanyihiin xiriirka Dumarka iyo haqab tirka Galmada.
4- NIGERIA :
2014kii Nigeria waxaa ay kaalinta 1aad ka gashay Ragga ugu quruxda badan Afrika,lkn wixii ka dambeeyay marna kuma soo laaban,hal heyskooda waxaa uu ahaa ma rabtaa Afrikaan rasmi ah guurso Nin Nigerian ah si aad u hesho Carruur Afrikaan dhalad ah,waxaa kale oo Ragga Nigeria lagu sheegay in ay adkeeyaan Ballanta
3- RWANDA:
Ragga Rwanda ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin kuwa ugu quruxda badan Afrika,waxaana ay ku kasbadeen,iyaga oo aan loo eegin midabkooda Bishimaha Ragga Rwanda oo aad u so jiidasho badan.
Sidoo kale Indhaha Ragga Rwanda ayey ka helaan Haweenka sida lagu xusay Warbixinta ,sidoo kale waa ay shaqo badanyihiin,waana dad adkeysi badan.
2 – ETHIOPIA
Ragga Itoobiya sababta ay u qurux badan yihiin waxaa lagu sheegay in ay ka timid isku darka dadkooda ee ka kooban Yemeniyiinta iyo Itoobiyaanka iska dhalay.
Waxaa ay safka hore uga jiraan Afrika iyo Caalamka oo dhan,waana sababta ay kaalinta 2aad uga tiigsadeen warbixintan.
1- SOMALIA
Sababta Somaliya kaalinta 1aad uga gashay ayaa lagu sheegay in ay tahay midabka gaarka ah ee Dadka Soomaalida ah oo ka sameysan nooca Shukulaatada,Timaha jilicsan ee isku sameysan iyo muuqaalka Qofka Soomaaliga ah oo ah nooc gaar ah.
Sababta 2aad ayaa lagu sheegay in Ragga Soomaaliyeed aysan ahayn kuwo is dhiiba xilliyada adag,waxaana lagu xusay in Ninka Soomaaliga ah uusan u dul qaadan faqriga iyo gaajada beddelkeedana uu door bido maareynta noloshiisa iyo tan dadka uu mas’uulka ka yahay.
Aadan Ibraahim Faarax ((Showqi)
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]