Video: Maxay Adna ka aaminsan tahay Somalia iyo Soomaalida? (Daawo muuqaal yaab leh)

Waxaa dhawaan magaalada Hargaysa lagaga dhawaaqay in maamulka Siilanyo uu u magacaabay Marwo Adna Adan xilka ah Madaxa wadahadalka uu maamulkaa la gelayo dawladda Federaalka ee Soomaaliya.  Haddaba waxaan halka ku soo gubinaynaa arrin dadka Somalida ay ku xasuustaan Marwo Adna oo ay ilduufeen saxaafadda Somalida.

Muddo laga Joogo shan sano ayaa waxaa dalka Maraykan-ka ku kulmay koox hal reer ah oo u  ololeeya kala goynta Somalia iyo Adna oo ahayd marti sharaf-tii kulankaa. Waxaa yaab lahayd inkastoo ay ka qayb galayaashu ay ahayeen wada Somali, haddana waxay Adna khudbadeedii ku jeedisay afka-Engilish-ka. Waxay khudbadu u ekayd mid loogu talagalay dawladda Maraykanka iyo wadamada galbeedka. Inyar markay dhamaysay amaan iyo faan Somaliland ayay si qiiradaysan ula kala baxday aflagaado, hoos u dhigid iyo ku jees jees waxay ugu yeertay Somaliya. Seddex arrimood ayay astaan uga dhigtay somaliya iyo dadka somalida oo ay hilmaantay in ay iyadu ka mid tahay. Seddexda arrimood ayaa ahaa  in Soomalida iyo dawladeedu yihiim : 1. Argagixso 2. Burcad badeed iyo 3. Xagjir diimeed.

Qabanqaabiyayaashii iyo ka soo qayb galayaashii shirka ayaa gees ka gees sacab, buuq iyo mashxarad isku daray. Waxaa nasiib darro ahayd inaanu qof keliya garan khatarta uu hadlkaa u lahaa dadka Soomaalida ee qurbaha jooga oo aan cidina ukula soo cayn koonfur iyo waqooyi ama reer hebel iyo reer hebel. Caalmaku Somali waaa u Somali, adigu weligaa Land-ka aad rabtid ku hadaaq. Waxaan shaki iiga jirin in qolada mayalka adage e cunsuriyiinta galbeedku  ay aad ugu farxeen inay arkaan qof meel fagaaaro ah ka leh dadkayga  (Somali, Madow, Muslim) waa wada argagixiso iyo burcad badeed. Marwo Adno waxay islahayd ku beer laxawso  wadanka Maraykanka si loo aqoonsado Somaliland, waxaanse shaki lahayn inuu hadalka dhaawac weyn ugaystay  sumcaddii iyo sharaftii dad badan oo Somali ah oo lagu asteeyay arrin ayan shaqo ku lahayn.

Marwo Adna waxay hilmaantay in Cusbitaalka weyn  ee carrurta iyo  tabaridda dhakhaatiirta ee Hargaysa  uu dhisay Rabbi ha u naxariistee Dr. Mxamed Adan Sheikh oo ka soo jeeda koonfurta Somaliya. Dr. Maxamed Waxa uu xilal badan oo wasiirka caafimadka ka soo qabtay Somaliya. Tani waxay muujinaysaa in ay khalald tahay in baadi goobka iyo xusul duubka  aqoonsigu na gadhsiiyo in la abuuro been, colaad iyo nacayb  aan wax faa’ido ah laga helayn.

Maxaa La gudboon Dawladda Somaliya?

Magacaabiddda Adna waxay muujinaysaa in maamulka Siilanyo ee wakhtigiisii dhamaaday aanay dhab ka ahayn in wadahadal walaaltinimo la wado galo. sidaaa darted waa in labaadan shuruud lagu xidho ka mid noqoshada Adna ee shirka wada hadalka:

  1. in Marwo Adna ay raali gelin ay ka bixiso hadaladii ay ku aflagaadaysay dadka iyo dawladda Somalida
  2. In ay adduunka u sheegto in Somalida oo adil ayan wada argagixiso iyo burcad badeed wada ahay.Hadalkeedi horena ahaa waxba kama jiraan ay ka qooma maynayso.Haddii labada arrin la waayo u malayn mayo in Adna mudan tahay in laga qayb geliyo ama ay hogaaamiso madal xal loogu raadinayo arrimaha murugsan ee daka Somalida ah.

Waxaa qoray: Yusuf Haji Ahmed