Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada nabadsugidda Sanbaloolshe ayaa u hanjabay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan warbixin uu qoray ku sheegay inaan dalka lagu maamuli karin wareegto iyo war saxaafadeed, isaga oo sheegay inuusan aqbali doonin in xasaanadda xildhibaannimo lagu gabado.
Markaas kadib Xildhibaan Mahad Salaad ayaa maanta isna jawaab culus siiyey Sanbaloolshe oo u sheegay inuusan dhexda kasoo galin siyaasadda, kuna ekaado arrimaha amniga.
Waxaa sidoo kale xusid mudan inuu weeraray guriga Yuusuf Kabaale, halkaas oo la ogaa inuu ka dhacay iska hor imaad kooban oo aan khasaare dhalin. Wuxuu ku dooday in guriga xildhibaanka uu hub ku jiro, ayna ku qarsadeen dad aan dowladda ku jirin.
Dadka falanaqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in Sanbaloolshe ku qaldan yahay inuu u hanjabo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taasina ay keeni karto inay xildhibaanada ka fariistaan arrintiisa, sidii ku dhacday waqtigii Xasan Shiikh ee la ogaa waxa kala raacay isaga iyo Xildhibaanada, ugu dambeynna xilka laga qaaday.
Waxaa muuqata inuu fudeed yar ku jiro Sanbaloolshe, midaasna ay tahay ceeb iyo wax aan u qalmin inuu ku dhaqmo qof mas’uul ah oo weliba hayo xil saameyn leh. Kama fiirsado hadalladiisa, wuxuuna u muuqdaa qof carradiisa u beddela hadal.
Taliye Sanbaloolshe ayaa looga fadhiyaa inuu joojiyo fudeedka iyo go’aanada deg deg, sidoo kalana waxaa ceeb ku ah inuu hanjabaad saxaafadda u mariyo xildhibaano qaran iyo mas’uuliyiinta dowladda.
Xildhibaanka xaq ayuu leeyhaya inuu dowladda dhaliilo, islamarkaana sheego qaladaadka jirin, haddiiba aysan hadalladiisa u muuqan kuwo cilaad hurinaya.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

