29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Awooda iyo waajibaadka Aqalka Sare | W/Q: Senator Farhan Ali Hussein

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

  1. Maxay tahay qaabka codka kal soonida kala noqashada ee Ra’iisul Wasaaraha

Qodabka 69 (2) (e),  kalsooni kala noqada shada Ra’iisul Wasaaraha iyo ku xigeenkiisa, waa in Golaha Shacbigu (50+1) oo gacan taaga  ah kalsoonid ugala laabtaan.

  1. Maxaa jira iska hor imaad iyo ikhtilaaf sharci ah oo uu qodabkaani leeyahay ama uuna u dhamays tirnayn si sharci ah?
    1. Macada qaabka loo marin kalsooni kala noqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenkiisa.

Qodabkaani ma muujinayo qaabka, waqtiga uu qaadanayo, habsami usocodka, ogaysiiska cida uu quseeyo, cida ku dhawaaqi cod uqaadida, inta xildhibaan loo baahan yahay in ay soo gudbiso, iyo inta waqti loo baahan yahay in la baaro eedaymaha lagu soo ee deeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenkiisa.

  1. Qaabka hada taagan ma aha mid daah furan iyo mid ka hufan musuq maasuq.

Marka lagu daro cadayn la’aanta qaabka loo marin kalsooni kala noqashada, ma jirto wax haba yaraatee shacbiga golaha shacgigu mas’uulka ka yahay in ladhagaysto taladooda iyo in la ogaysiiyo sida wax socdaan. Ma jirto qaabka oo lagu qoro websayda baarlamaanka ka hor inta ayna dhicin cod u qaadida. Waxaaba laga yaabaa in aan la ogaysiin Ra’iisul Wasaaraha eeda la gu ee deeyay oo aana lasiin fursad uu isaga difaaco.

  1. The procedure does not provide for due process. Qodabkaani ma leh habsami u socod cadaalad ah.

Wadamo badan, Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu haystaa waqti uu soo ban dhigo wax qabadkiisa iskana difaaco ee daymaha loo soo jeediyay. Qaabka hada wadanka u yaala wax cadaalada uu uu siiynayo ma jirto qofkii aan ku aaminay xukuumada Soomaaliya.  Qodabka 69 (2) (e) uma baahna in wax markhaati ah lakeeno ama wax cadaymaa.

  1. Qaabka kalsooni kala noqashada hada kuma jiraan Aqalka Sare.

Kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaaraha waxay saamayn ku yeelayn labada Aqal sidaas daraadeed qodabkaani ma tixgalin inay si wada jira uga qayb qaataan.

  • Waxaa is waydiin u baahan in lays waydiiyo inay jirta meelo kale oo Dastuurkaa uu jawaab ka bixin qodobkaan aana aadka u cadayn?
    1. Qodabka 138 (1) Dastuurku waxaa uu leeyahay in Dastuurku ku salaysan yahay heshiikii Roodh Mapka, Garoowe I,  Qodabadii Garoowe II oo ah sharci uu Dastuurkaan qabyadaa ictiraaf san yahay. Garoowe II waxaa uu leeyahay in Aqalka Sare u adeegi sidii Maxkamada Sare oo kale, oo ha inuu talo ka bixiyo meeshii laysku qabto si sharci ah, inuu Aqalka Sare yahay ilaa liyaha sharicga iyo dhaqanka, rabitaanka ay umada Soomaaliyeed leedayahay. Qodabkaani waxaa uu tilmaami in Aqalka Sare uu ilaaliyo Daah Furnaanta dowlada oo dhan kana ilaaliyo in musuq maasuq uuna soo galin habsami u socodka dowlada guud ahaan. Iyo mida ugu mihiimsan in Aqalka Sare leeyahay awood uu talo ku bixiyo iyo inuu hubiyo Mooshin walaba oo ka yimaada Golaha Shacbiga oo ay ku jirto kalsooni kala noqashada Xukuumda.
    2. Under Article 68 (5) Waxaa uu leeyahay Golaha Shacbiga iyo Gudiyada Golaha Shacbigu waa inay u furan yihiin shacbiga si ay u dhagaystaan si waa faqsan nidaamka xukuumadeed oo daah furan. Golaha Shacbigu ayagaa go’aan ka gaarin marka ay alaabada ka xiran shacbiga.

Marlabaad marka loo eego kalsooni uqaadida xukuumada, qodabkaani ma cada in ay cod u qaadin ayagoo Golaha Shacbigu uu albaabka xirtaan hadii ay rabaan iyo hadii kaleba. Maadaama Soomaaliya ay tahay dowlad curdan ah, Aduunka oo dhana uu indhaha nagu fiirin inaan u dhaqano sida Aduunka dowlad loo maamulo, waa in labada Aqal ay ka qayb qaataan kalsoonida dowlada shacbigana la dhagaystaa rabitaan kooda. Taas baa lagu qaymayn Soomaali iyo Baalamaankeedaba.

  1. Qodabka 3 (4) waxaa uu leeyahay in Dastuurkeeni uu dhiirin galinayo xeerarka caalamigaa, cadaalada, xukuumada loo dhan yahay oo ku dhisan wada tashi, fulinta garsoorka, iyo mabaadii ku dhisan daah furnaan ka jawaabaysa dahana dadwaynaha. Wadadamo badan oo xiriir fiican nalaleh, iyo hay’adaha gargaarka waxay nagu qaymayn sidii aan u raacno sharciga, isla xisaabtan dowladeed oo cadaalad ku dhisan ula nimaadno. Waxaa burbur iyo sumcad xumo ah inaan dowlada ridno ayadoo aana intaas oo qodab lasoo marin.
  2. Sidoo kale Qodabka 3 (1) waxaa uu leeyahay in Dastuurku ku salaysan yahay Shareecada Islaamka iyo Sunnada Nabigeena Suuban (NNKH), waxaa uu dastuurku ilaalin ujeedooyinka Shareecda oo ha marwalba in la ilaaliyo danta guud ee Shacabka, lana miisaamo mar walba ficil walba faa’iidada iyo khasaaraha uu u leeyahay shacabaka. Hadii faa’iidadu badan tahay waa la qaadan, haddii khasaaruhu badan yahay waa laga tagin.
  1. Sidee loo xalin karaa Qodabadaa iska hor imaan ee Dastuurka?

Sida uu qabo Qoddabka 81 (3) hadii khilaaf laba Aqal yimaado oo kusaabsan qaabka kasooni kalala laabashada Xukuumda oo kus saabsan sharci qabyo ha sida kalsoonida loola laaban, markaas labada Aqal midkasta oo ka mida ayaa soo jeedin shir wada jira si loo xaliyo khilaafka ayadoo la raacin nidaamka iskaashi ee dowladeed oo ay sii faah faahin qoddabada 51, iyo 52 ee Dastuurka. Waa in sharci wada jira ay kasoo saaraan labada Aqal habsami u socodaka kalsoonida Xukuumda, waqtiga ay qaadanayso kalsoonida, xaqa uu u leeyahay inuu Ra’iisul Wasaaruhu iska difaaco ee daymaha lagu soo eedeeyay, inuu markhaatiyo keeni karo, shacbigu ay talo ka bixin karaan, laba Aqal cod u qaadaan mar kala duwan.

Qaabka talo bixin ee ugu cadaala badan markii aan eegay Dastuurka, shareecada, iyo xeerka caalamigaa ayaan soo gudbin naqshadaan hoos ku qoran oo ah qaabka kalsooni kala laabashada Ra’iisul Wasaaraha:

W/Q: Senator Farhan Ali Hussein, Ph.D. [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News