26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

C/Weli Gaas oo si dadban u weeraray xildhibaanada safka ugu jira golaha wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe(Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa si hordhac ah uga hadlay wadatashiga uu kusoo xulaayo Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelan doono maamulka Puntland.

C/weli Gaas waxa uu sheegay inuu ku guda jiro latashiga Odayaasha deegaanka ee talada ku leh dhismaha labada Gole ee uu leeyahay maamulka.

Waxa uu C/weli Gaas sheegay in Odayaasha qaar ay aad usoo dhaweeyen hanaanka u qorsheysan in lagu soo dhiso Wasiirada cusub, halka qaarna aysan weli kulmin balse ay is arki doonaan gudaha asbuucaan.

C/weli Gaas waxa uu carab dhabay in dalabka ugu badan ee lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada ay ilaa iyo hadda soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo iyagu doonaaya inay ku biiraan Wasiirada lasoo magacaabi doono.

Waxa uu Gaas tilmaamay inay mudan tahay in Xildhibaanada looga danbeeyo howlaha ay maamulka u hayaan, isla markaana Wasiirada cusub ay ka imaadan banaanka, taa oo uu ku fasiray mid dhexda ka jareysa damaca sad bursi ee jira.

Xildhibaanada ayuu sheegay inaanu u saamixi karin inay isku hayaan laba shaqo, sidaa darteed Xildhibaan weli uu ka dalbanaayo inuu xadido damaciisa.

Xildhibaanada qaar ayuu sheegay inay ka maqan yihiin fadhiyada uu leeyahay baarlamaanka, waxa uuna su’aal ka keenay sida uu Xildhibaan ceynkaasi ku qabankaro xil Wasiirnimo.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa ku celcelshay in Golaha cusub ee uu soo dhisaayo ay noqon doonaan kuwo ka fog shakiga iyo sad bursiga jira.

Dhawaan ayay aheyd goortii baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News