27.1 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Sidee ayuu u socdaa baaritaanka kiiska dilka taliye Ciise Jiijiijle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda baaritaano la xiriira dhacdadii 26-kii Bishan ka dhacday afafka hore ee Tiyaatarka kaa oo lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo Ilaalo la socday.

Baaritaanka xoogiisa ayaa waxaa wada ciidamada Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo u tababaran baaritaanka kiisaska dhacdooyinka lamidka ah dhacdadii lagu dilay Jiijiile.

Saraakiisha ayaa tagay goobtii ay ciidamada Militeriga ku dileen Taliye xigeenka, halka ay kala taagnaayen ciidamada iyo goobta uu yiilay gaariga Cabdi bilaha ee uu watay Jiijiile.

Saraakiisha ayaa baaritaanka gaarsiiyay ilaa iyo Koontaroolka ku dhaw Isgoyska Umbulutooriyada Ceelgaabta.

Saraakiisha oo macluumaad hore kaashanaaya ayaa sidoo kale calaamadeeyay goobihii rasaasta ay ku dhacday iyo goobihii ay yaaleen maydadka askartii ka tirsaneyd ciidanka NISA ee la dilay.

Baaritaanka kadib ayey Saraakiisha natiijada u gudbin doonaan Guddiga loo xilsaaray baaritaanka iyadoo wixii intaa ka danbeeya loo sii gudbin doono Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

- Advertisement -

Read more

Local News