28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawiro: Banaanbax ballaaran oo ka socdo Muqdisho iyo dhawaqa rasaas la maqlayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa maanta banaanbax ka sameeyay magaalada Muqdisho ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyin badan oo ay ka tabanayaan Dowladda Soomaaliya.

Wadayaasha oo isugu yimid Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay iney dhibaatooyin lixaad leh ay ku qabaan marista wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho sidaasi oo ay jirto hadana loo diiday marista wadada wadnaha.

Horay ayaa Dowladda waxay u xirtay wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray oo caqabad ku noqotay darawalada gaadiidka gaar ahaan kuwa Mooto Bajaajta wada.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu yimid Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhigeen Mootooyinkii ay ku shaqeynayeen, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Dowladda Somaliya.

Qaar ka mid ah Darawalada Mootooyinka Bajaajta kaxeeya ayaa sheegay dhibaatooyin badan inay kala kulmaan ciidamada Dowladda, taasi oo ay ku sifeeyeen in caqabad lagu yahay shaqooyinka yar yar ee Magaalada ka dhex abuurteen.

“Dhibaatada ugu daran ee hadda na haysata oo wixii horeba been dhaheysa waxa ay tahay wadada wadnaha maba soo dhaafi kartiin ayaa nala dhahay, Koontaroolka ciidanka adoo qof wada ayaad imaanaysa dib u noqo ayaa lagu dhahaa, walaaloow maxaa dhacay markii aad tiraahdidna qoriga ayaa Mootada lagaaga dhufanayaa.” Ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta.

Intii Banaanbaxa ay dhigaayeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa waxaa goobta soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo dadkii banaanbaxa dhigaayay halkaasi kula hadlay.

Wuxuu u sheegay Banaanbaxayaasha inay isdajiyaan oo dhibaatada ay ka cabanayaan wax laga qabanaayo, Shan ruux oo guddi ahna ay iska soo saaraan, si xarunta Dowladda hoose ay u tagaan, kadibna laga shiro caqabada haysata wadayaasha Mootooyinka Bajaajta.

Sidoo kale waxaa rasaas laga maqlayaa isgoysyada Km4 iyo Tarabuunka oo ay ka socdaan banaanbaxa xoogiisa, waxaana jirto in baabuur ay saarneyd Xildhibaanad laga soo rasaaseeyey dad shacab ah waxaana halkaas ku dhintay qof shacab ah sidoo kalana waxaa ku dhawaacmay askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Baabuurka ay saarneyd Xildhibaanada iyo ilaaladeeda ayaa ugu dambeyn lagu qabto agagaarka saldhigga Waaberi, waxaana hadda halkaas ka jirto xiisad kacsanaan ah.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News