Senator Cabdi Qeybdiid oo doorasho ka dhacday Muqdisho kaga adkaaday Faroole

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ah guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6 cod, halka uu C/raxmaan Faroole ka helay 4 Cod, waxaana ku adkaaday doorasadii Cabdi Qeybdiid oo 10-kii xubnood ee Guddiga ay 4 ka mida siiyeen codkooda.

Waxaa xilkan si weyn u doonayay oo olole weyn u galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.