25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DF Somalia oo wada qorshe cusub oo lagu xoojinaayo arrimaha Federaalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay xal siyaasadeed u raadineyso arrimaha Federaalka ee uu qaatay dalka.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in la xoojin doono qaadashada Federaaliisimka si dalka dhamaantii loo gaarsiiyo isla markaana loogu maamulo Federaalka la qaatay.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka Somalia, oo si gaara uga hadlay arrintaan ayaa tilmaamay in lama huraan ay tahay in xal kama danbeyn ah loo helo arrimaha Federaalka Somalia.

Xoosh waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay arrimahan la kaashan doonto guddiyada labada gole ee dib u eegista Dastuurka.

Wasiir Xoosh ayaa cadeeyay in marka hore ay xooga saari doonaan arrimaha Dastuurka, isla markaana la is waafajiyo Shuruucdiisa, si loo dhaqan galiyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran sharciyada iyo arrimaha Federaaliisimka.

Wasiir Xoosh waxa uu talaabadaas ku sheegay mid muhiim u noqon doonto doorashada soo socoto ee 2020ka, waxa uuna sidoo kale qabsaday in muddo hal sano ah ay ku dhaqan galin doonaan howlahaas.

Geesta kale, Xoosh waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre ugu baaqay inuu fiiro gaara u yeesho dhameystirka arrimaha qabyada u ah Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News