26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Maxay si gaara uga wadahadleen Farmaajo & Jeffrey D. Feltman

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka xoghayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman.

Kulanka Madaxweynaha iyo Jeffrey D Feltman ayaa waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya dhinacyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, iyo xiriirka dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in QM ay Somalia kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib u eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Farmaajo ayaa dhankiisa kasoo dhaweeyay imaanshiyaha Jeffrey D. Feltman, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in Madaxda ugu sareysa QM ay la dhow ula socdaan xaalada Somalia.

Farmaajo waxa uu sidoo kale ballanqaaday inay ka dhabeyn doonaan hadafkooda ku aadan Horumarka, Amniga iyo Siyaasada.

Waxa uu soo jeediyay in QM ay il gaara ku eegto xaalada Somalia, si loo hormariyo howlaha harsan.

- Advertisement -

Read more

Local News