26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Ma dhabaa in DFS ay sii dhiiri galineyso qulqulka dhalinyarada Tahriibayaasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu eedeeyay inay hor boodo barnaamijada Tahriibka oo ay ku dhamaadan kumanaanka shacab.

Maxamuud C/laahi Axmed ”Abukaato” oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in dowladu aysan si gaara uga fekerin qabaabka lagu badbaadin karo dhalinyarada.

Waxa uu sheegay in xilalkii khuseeyay dhalinyarada gabi ahaantooda loo dhiibay shaqsiyaad aanu waxba ka garaneynin howlaha dhalinyarada iyo qaababka looga badbaadinkaro kuwa safafka ugu jira Tahriibka.

Xildhibaan Abukaato waxa uu sababta ugu weyn ku sheegay in dowladu ay xilalka ugu badan ay u magacawday dad qurbajoog ah ama aan aqoon u laheyn xaalada dalka uu maraayo, kuwaa oo uu sheegay inay sii dhiirigalinayaan Tahriibka.

Abukaato waxa uu Madaxda ugu sareysa ee dowlada ugu baaqay inay ka fiirsadaan shaqsiyaadka ay u magacaabayaan xilalka khuseeya dhalinyarada, maadaama ay sii kordhayaan kuwa aan laheyn rabitaanka dhalinta.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay xilalka ugu badan u magacawday shaqsiyaad aan aqoon iyo khibradba tuuna u laheyn howlaha loo igmaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News