Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 5-aad)

Awood qaybsiga

Sidaan ka dheregsan nahay, waddan kasta wuxuu leeyahay saddex awoodood oo midba midka kale ku lammaanan yahay, si toos ah iyo si dadbanba. Ka warbixinta awoodaha aan kor ku soo sheegay  ma sahlana laguma koobi karo dhowr qoraal, hase yeeshee waxaan isku dayayaa inaan si kooban uga faalloodo.

  1. Awoodda Sharci Dejinta (Legislative Power)

Awoodda Sharci Dejinta wuxuu ka mid yahay saddexda awood ee aasaasiga u ah jiritaanka qaran

Mas’uuliyadda awooddan wuxuu dhusha ka saaran yahay xubnaha ku jira goleyaasha baarlamaanka: Aqalka Baarlamaanka iyo midka Guurtida (Parliament iyo Senate). Xubnaha ka midka noqonayo waxaa si xag ah u soo dooranayo shacabka iyagoo ka xulanayo nidaamka xorta ah ee axsaabta, kaddib markii xisbiyadu si cad ugu qeexaan una sharxaan barnaamijka uu xisbi kasta ku shaqaynayo, inta ka horraysa doorashada. Mar haddii ilaa maanta dalka laga hirgelin la’yahay nidaamkaas doorashada ee dunida inteeda badan aaminsan tahay, haddana waxaa lagu heshiiyey hab kale oo Soomaaliya u gaar ah oo booskii xisbiyadu waxaa galay qabiil oo aan barnaanij haba yaraadee soo bandhigin oo aan ka ahayn wax kasta qabiil aan ku qaysanno, iyadoo aan marnaba loo eegayn kartida iyo wax qabadka shakhsiyadeed ee shakhsiga is soo sharaxay, waayo meeshii uu ka dugsan lahaa barnaamijka uu wato, si loogu qiimeeyo looguna doorto, wuxuu la soo indho adeegayaa “Waxaan ka soo jeedaay Reer Af-ku-Uusle ama Af-ku-Leeble”. Anigu waxaan qabaa in mar haddiiba aan la raaci karin nidamka kor ku xusan waxaa lama huraan ah in wax u dhow la raadiyo.

Waa tii laysku raacay hab laga xishoodo oo ah: “Waxaan dooranayaa kii soo xuli lahaa dadkii kursiga  igu fadhiisin  lahaa”. Waa cajiib, taasi waxaaba dhaami lahayd inaan juhdi  iyo colaad loo kasban ee awoodda xoog lagu hanto.  Waxaa kaloo intaa dheer inaan la karaamayn lana tixgelin  Dastuurka Ku-meel-gaarka ah oo meel laysaga xooray cidna isku taxluujin in la dhammaystiro, inkastoo ay dhaleen maskax shisheeye iyagoo ujeeddadooda ahayd inay qas iyo fidno uga ka dhex abuuraan ummadda Soomaaliyeed. Bal aan is weydiinnee maxaa hor istaagan dhammaystirkiisa, walow aan qabo in ummadda dan ugu jirto in mid hor leh la samaysto. Jawaabtu aad ayay u sahlan tahay: Mid waa korshe loogu talagalay in dastuurka oo runtii ah aabbaha caddaaladda isla markaana sharci kasta aan la dejin  karin haddii uu khilaafsan yahay Dastuurka. Tusaale: Sidaan ka war qabno, Soomaalidu waxaa xeer u ah in haddii laba reer dhibaato ka dhex dhacdo, marka ugu horraysa odayaashu waxay is weydiiyaan iyaga iyo reerkaas hore wax ma dhex mareen maxaase xeer u ah. Haddii labada reer hore wax u dhex mareen, arrintu waa sahlan tahay waayo waxaa loo hoggansamayaa xeerkii hore u yiillay, haddii aanu hore wax u dhex marinna waddada keliya ee bannaan waa inay gogoshaas xeer dhexdooda samaystaan.  Haddaan meel gaaban idinka tuso: waa maxay farqiga u dhexeeya xeerka aan kor ku soo sheegay iyo Dastuurka? Dastuurku ma noqon karo mid la soo minguuriyay ee waa heshiis ay wada gaaraan Ummad si ay isu maamulaan kuna dhaqmi lahaayeen. Bal ka warrama haddii reer uu u hoggaansami waayo xeer  hore u wada gaareen reer kale, maxaa la filan karaa? Jawaabtu waa dagaal iyo fidno abuur,  Dastuurkuna waa la  mid.

Kaddib markii aan u kuur galay sababta loo dhammaystiri la’yahay Dastuurka ku-meel-gaarka, waxaa ii soo if baxay  in marka hore aanu ka curan maskaxda Soomaalida oo waa mid na loo meeriyey, tan labaadna haddii ay Lillaahi kaa tahay inaad dhammaystirto wixii khaldaad ahna ka toosiso, waxaa lama huraan ah inaad waqti u hesho si aad dib ugu noqoto. Tusaale: marka aad qorayso warqad ama qoraal kale, waxaan shaki ku jirin inaad dhowr jeer dib ugu noqoto ilaa ay ku soo baxaan kuwo ka tarjumaysa fikirkaaga….La soco qaybaha xiga Insha Allah.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal