Jimcaale iyo Jaamacaddii Beeshooda – W/Q: Cabdullaahi Cabdi Muuse “Yamyam”

Waxa halkaa ka kacaya waa siigo, waxa kicinayana waa gaari xawaare xawliya ku xiimaya. Gaarigaan waxa uu ka dhex shaqeeyaa magaaladaan uu soo galayo hadda iyo tuulooyin ka ku hareeraysan. Caanaha, xoolaha la gadayo  iyo dad ka ayuu kasoo qaadaa tuulooyin ka. Toddobaad kii mar buu yimaadaa, maya, hadduu rabo labadii toddobaad ama saddexdii buu mar yimaadaa. Imaanshihiisa sidii bil dhalanaysaa loo dhowraa. Inta uu tuulada ka maqanyahay waa loo hiloobaa, galabkuu kadin ka ka soo galana xiise iyo xamaasad baa la gu soo dhaweeya. Oo dee imaanshihiisu maxay barwaaqo iyo baraare u noqonweyday, soo dad ka noloshoodu  magaalada kuma xirna, tegiddii magaaladuna soo gaarigaan gaboobay ee qanaxa ah marti loo gu ma aha. Waa toddobadii duhurnimo, hadda ayuu soo galay gaarigii caanaha u siday reer magaal ka; reer miyiga na cunnada u qaadi lahaa. Waxaa gaariga la socda Jimcaale oo ka yimid tuulo aad uga durugsan magaaladaan weyn. Jimcaale waa labaatan jir miyi  ku daahay. Labo iyo toban sano oo cimrigiisa ka mid ah miyi buu joogay, siddeed sano na tuuladuu manta ka yimid buu kusoo habsaamay. Ujeeddada ugu weyn ee Jimcaale loo keenay magaalada, waa in uu waxbarto – maaddi iyo diiniba.

Gaarigu markii uu soo istaagay goobtii loo gu talo galay, waxaa sidii shinnidii ku soo shamuumay haween kii ay caanuhu u saarnaayeen oo doonayay in ay kala degaan. Isla mar ka ay haween ku caanahooda la degeyaan, isna waxaa dhinaca danbe ee gaariga kasii degeya Jimcaale. Waxa uu gacanta midig ku haystaa qaar, tan bidix na waxa uu ku wataa kolay ay calallo duuga ah ay u gu jiraan, waxaa garab ka u saran go’ uu midabkiisii uskag beddelay, hoos-gunti guna waxa uu u marayaa jilbaha. Dhul ka ayuu u soo dhaadhacay, dhankaas ayuu is ka eegay, haddana dhan kaa kale ayuu is ka jeedaaliyay. Dhammaan dad ku waa ay sii dhaafayaan waana ay soo dhaafayaan dhankiisa cidiba eegimayso. Isaga se kelliyahaa ruxmaya, calooshuna waa ay rug-rug leedahay. Waa uu baqsanyahay oo baydadsanyahay, kolayga maryuhu ay u gu jiraan ayuu u cabsi qabaa. Oo waxa uu haysto oo la ga xado waa maxay? Ma calladaan cafash ka ah oo cidiba aysan bannaan cid la’ah ka qaadateen. War dee “ninba inta uu haystaa u hantiya.” Waxa uu ku celcelinayaa “dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa.” Gacanta midig waxa uu si heegan iyo habsami li’iya ugu haystaa qaartiisii. Waxa uu doonayaa in uu uleeyo oo uu waxyeello xoog leh u gaysto ciddii ku soo gardarroota ama soo damaacisa kolaygiisa. Reer magaal kaba intooda badan waxa uu ka aamminsanyahay balaayo qalin-shubato ah oo tuugnimo iyo wax-is-daba-maris ku shaqaysta. Tiro dhowr jeer ah ayuu maqlay dad inta ay magaalada xoolo ay soo gataan u kaxaystay, la soo dhacay oo lacag raqiis ah laga soo siiyay iyo kuwo wixii ay wateen ba la ga soo furtay. Waana taa sababta uu u fiigsanyahay haddana u feejiganyahay oo indhuhu u kala furanyihiin.

Jicmaale waxaa goobtii u gu yimid wiil uu adeer kii dhalay, oo doonayay in uu xafaddoodii geeyo. Salaan iyo waraysi kooban ka dib, wiil ka oo la yaabanaa ninkaan sida uu usha u haysto ayaa weyddiiyay Jimcaale “War yaad is dirirteen, iminkaad ba magaalada timid ee?” Jimcaale oo ceshanaya go’ii oo garabkiisa kasii dhacaya ayaa u gu warceliyay ina adeerkii “Cid na ma aanan dirin, balse haddaan damacsanaa in aan duul baaskaan iska dhiciyo.”

Xaafaddii adeer kii buu yimid Jimcaale, haa waa adeer kii, balse ma’aha adeer kii aabbihii la dhashay, waa adeer is ka qaraabo-qansax ah. Jimcaale waa curud ay toddobo carruur ahi ka yartahay. Magaaladaan waxaa loo keenay in uu waxbarto, oo carruurta ka yaryar na uu hormuud u noqdo. Curad la gu tanaado in uu noqdo ayaa la doonayaa, ee la dooni mayo in uu noqdo curad la gu tacab beelo. Waa nin weyn oo gar iyo gafuur ba eh. Oo hadduu leeyahayna? Dee halkee waxbarasho loo ga bilaabaa, ma fasalka koowaad ee dugsiga hoose baa la dhex fariisiyaa, ma carruur uu lix jeer ka weynyahay baa la gu dhexdaraa, oo horta isagu ma yeelayaa in carruurtaas uu wax la barto oo dhexda inta uu u galo marna ay qalinka ka dafaan marna ay buugga ka jeexaan? Yeeli uu mayo ee  kii u yara fahmi waayo dharbaaxo iyo wax kaloo la gu daray buu kala daalayaa. Oo dee halkee la geeyaa nin ka, ma dugsi Qur’aan baa madax iyo minjaha loo galiyaa oo “Alif wax maleh” baa loox loo gu soo qoraa. War ninkaan talo taabboggal ah ayuu rabaa. Halla is ku habar wacdo, adeerkii, islaantuu qabay, ilma adeer tii, qoyskoo dhan, qaraabadoo idil, xidid ka, xigtada xigaal ka, weheel, walaal, wadaaddo iyo dhammaan reer qurac, maya jilab ka uu ka yahay kaliya, waa la shiray oo la showray talona waxaa lagu gooyay in ninkaan la geeyo maddaraso isugu jirta maaddi iyo diini. Oo xaggee haddana wax  loo ga bilaabayaa? War us oo afka gacanta saar! Oo dee hee maxaan iri, ma wax silloon mise wax suuban? Allow waxa saxan na solansii. Xaggee wax loo ga bilaabayaa ayaan iri oo kaliya. Oo xaggee loo ga bilaabi lahaa, waa la yaqaan meesha loo ga bilaabayo. Hadduu sannad iyo bar dhigto dugsiga oo higgaadda carabi ga ay u baxdo, far soomaaligana uu barto, jaamacad ayuu gelayaa. Alla hayaay jaamacad jaamacad! Oo jaamacad noocee ah? Oo xaggee ku taal? Oo sidee u eg? Waar dee ma anaa dhago-cuslaaday, nin ku muxuu yiri jaamacad? War halkaa ii gu celi mar labaad iyo mar saddexaad, haddaad rabtidna afar iyo shan gaarsii. Ma nin magaalo sannad iyo bar joogay baa jaamacad dhiganaya? Ma dhago cuslide sanka iyo indhahana is tir. Dee jaamacad baannu geynaynaa baan ku niri. Magaalada jaamacadaanu ku leennahay. Yaad na moodday? Yaad nagu khaldaysaa? Ayo dee? Reer kee, ma kuwaas uf calayk! Mise idin ka oo kale, oo waxba yahayda ah, war isa sax, oo indhaha kala fur, yaannu nahay dee? War na baro oo dad ka naga baro. Dulli fawqal dulli.

Hal sano iyo bar oo uu magaalada joogay Jimcaale, wax badan fahan, haddana wax walba waa ay ku qasanyihiin oo ku qalloocanyihiin, weyddiimo ciidda le’eg baa maankiisa ka dhex guuxaya. Qof kuu wax weyddiiyo, waxa uu yiraahdaa “Oo waxaa ma garanaysid miyaa, war naga daa waad kaftamaysaaye, oo hadda ma kaa dhabbaa?” Inkasta oo ay fartiisu foolxuntahay haddana far soomaaliga iyo xoogaa carabiya ayuu bartay sannadkaas. Qol ayuu la deggen yahay wiilal ay ilma adeer yihiin oo magaal kaba ku dhashay. Toddobaatan mitir bay ka horreeyaan, isna waa uu tillaabo dheeraynayaa oo waxa uu tiigsanayaa barbaartaas. Labiskooda, socodkooda, hadalkooda iyo wax walba oo ay sameeyaan ayuu isna sameeyaa, maya oo ma uu samayn karee waa uu matelaa. “War cayn xiro oo dhexda iska xir, haa is caymi oo is ka tiiri meesha. Shaatigaa iyo surweelkan xiro iyagaa is ku soo baxayee. Muraayadda indha iyagana raadso maanta, haa raadso oo ha soo hilmaamin xarragaday bilaan e.” “Ka daa, war dee ka daa ninyahow, ma nin xanuusanayaa tahay, xaggee macaws iyo kabo buud ah isugu xiranaysaa. Hah! Goormaad ilbaxaysaa?” Hadalladaas waxa ay ka mid yihiin casharro joogta oo dhallinta uu la joogo si joogta ah ay u siiso har iyo habeen.

Magaalada waxa uu jooga iminka hal sano iyo siddeed bilood. Birri subax na waxa uu doonaya in uu jaamcaddooda tago. Yaah?! Jaamacaddooda aa! Haa jaamacaddooda. Halkaan waa magaalo weyn oo soomaaliyeed, dad aad u fara badan oo haddana kala duwan ayaa ku nool. Kala duwanaanshuhu ma aha, dad waddamo kala duwan u dhashay ee waa dad qabiillo kala duwan ka dhashay. Reer walba waxa uu leeyahay jaamacad, dugsi Qur’aan, idaacad, telefisyoon, wargeys iwm. Magaaladaan waxaa ku yaal toddobaatan jaamacadood. Dhowr xabbo mooyee inta kale ee tirada badan tayo ma leh. Reer baa is ka leh siddeed jaamacood, reer kale na toddobo, kuwa kale saddex, balse reer aan magaaladaan jaamacad ku lahayni ma jiro.

Jaamacad walba waxaa dhigta dhallinyarada reer ka is ka leh jaamcaddaas. Dhallintaas lacag la ga ma qaado, oo waxaa bixiya lacgtooda jaaliyadda reer kaa ee qurbaha jirta. Balse ciddii aan reerkaas ahayn ee jaamacaddaas kusoo khaldanta lacag baa laga qaadaa. Jaamacaddaas waxaa suuqgeeya idaacadda ay reer ku leeyihiin. Idaacaddaas waxaa dhageysta reer ka leh oo keliya. Oo dee yaa dhageysan lahaa oo kale, illaa cid waliba idaacad iyo telefisyoon bay leedahay e, waar dee yaan la is ku khaldamin oo haddana la is ku habsaamin. Idaacadda reer hebel oo suuqgeynaysa jaamacaddooda ayaa tiri “Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dad ka magaaladaan iyo nawaaxigeeda ku nool in jaamacaddu ay qaadanayso arday cusub, sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa bahda waxbarashada danaysa, in ay jaamacaddu soo kordhisay kulliyado cusub. Jaamacaddu waxa ay  sannad kaan keentay macallimiin ajaanib ah oo nooc walba isugu jira. Is diiwaan gelintu waxay dhammaanaysaa laabaatan iyo toddobada bisha Luulyo. Waad mahadsantihiin.” Macallinmiinta ajaanibta ah ee ay sheegayaan ma fahantay? Haa waan fahmay . Oo waa ayo ajaanibtaas? Dee waa macallimiin u dhashay Hindiya, Ingiriis ka, Kiinya, iyo waddamo kale. May oo haddana may, waad ka dhacsantahay gaariga, oo waliba gadaal baad haysataa, war soo bood oo shir ka hore soo gal. Waa maxay Hindida iyo waddamada kale ee aad sheegayso. War waa macallimiin reer ka jaamcadda leh maahee reer kale ah. Waliba jaamacaddaani waa jaamacadda kaliya ee macallimiinteedu is-ku-dhaf ka yihiin, waxaa na la gu tiriyaa jaamacaddaan in ay  is dhexgal ka bulshada ka shaqayso. Cajab iyo cajiib! Dad ka qaar ay ku sheega in  is-ku-dhaf kaas  looga gol leeyahay marin-habaabin. Beri dhaweyd oo uu wadaad ka maamula jaamacadda sidoo kale kulliyadda shareecada ka dhiga, safar uu ku tagey waddan ka  Sucuudiga, may safar ma ahayn ee tuugsi-tag buu ahaa, ayuu halkaas waxa uu ka la soo kulmay wadaad ku weyddiimo wareeriyay. Tuugsi-taggu waxa uu daarnaa in jaamacado Sucuudiga ku yaal uu kasoo qaraabto dhowr kunbiyuur, kuraas, iyo in irdaha iyo daaqadaha alwaaxa ah ee jaamacadda la ga beddelo oo kuwo bir ah loo gu beddelo. Codsigiisii ka dib, nin kii carab ka ahaa ayaa ku yiri “Jaamacaddaadu ma mid ahli ah baa mise waa jaamcad caadiya.” Hadalkaas odayga carbeed wixii ka danbeeyay, macallimiinta jaamacaddaan is-ku-dhaf bay ahaayeen.

Toddobaatan kaan jaamacadood dhowr xabbo mooyee, inta kale waxa ay deggenyihiin guryo caadiya. “Gow gow, hooddi hooddi, war ma la joogaa gurigaan.” Haa walaal waa la joogaa, maxaad doonayseen?  “Guri kiro ah noo sheega?” Guryaha halkaas ka soo jeeda ee tarniiggoodu cagaar ka yahay, ayaa kiro ah, waana siddeed qol, suuli iyo jiko. “Ma xaas baa tihiin, meeqa carruur ah baad wadataan?” “Een.. een.. walaal, carruur ma wadanno, balse arday baanu wadannaa.” “Dee arday maxay ah, carruur haddaydaan wadan ma reero aroos ah baa tihiin marka?” “Aroos na ma nihin walaal, ee Jaamcad baannu ka dhigaynaa.” Ma jaamacad siddeed qol ah walaal?! Dhammaan magacyada jaamacadaha waxaa la socda ereygaa“international” sidoo kale mid waliba waxa ay tiraahdaa jaamacad heblaayo baannu xiriir wada shaqayn leennahay. Annagu jaamacad heblaayo oo Malaysiya ku taal baannu xiriir leennahay, annaguna jaamacadda Kaanbirayj ee Ingiriis ka baannu bahwadaag nahay. Ha socoto waligeed ba xiriir kaas iyo wada shaaqayntaas na ha sheegtaan, balse cid taqaan malaha, war maya waa la yaqaan oo reer ka iska leh baa yaqaan, haddana mar labaad may, reerkoo dhan ma wada yaqaanniin ee jilib ka hoose ee leh baa si wacan oo wanaagsan u yaqaan.

Jaamacadda ay Jimcaale reerkoodu leeyihiin, meel luuq ah oo ciriiriya ayay ku taal. Kulliyad adduun ka la ga dhigo oo aysan hayn ma jirto. Xitaa kuwa aan dunidaba la ga dhigan waa ay kuu dhigayaan. Kulliyad heblaayo waanu haynaa mooyee; waligood ba afkooda kama aysan soo bixin kulliyaddaa ma hayno. Sida dhabta ahna wax ay hayaan ma laha, iyaguse, waa wax walba hayayaal. Haddii la weyddiiyo  nin ka fadhiya xafiis ka diiwaan galinta ardayda “Walaal, kulliyadda sixir barashada ma haysaa?” warcelintiisu waxaa weeye “Walaal mar ka hore soo dhawow, mar labaad iyo mar saddexaad na waxa aad ku mahadsantahay, booqashada aad na soo booqatay, haddii aan faafaahin kaa siiyo kulliyadda sixir ka, walaal horta kulliyaddaan gabigeedaba sannad kaan ayaannu keennay, is qoriddeeduna waa ay socotaa. Hal kii fasal toddobaatan arday baa la ga rabaa, lixdan iyo siddeed waanu haynaa hadda, adiga iyo qof kale baa na  ga dhimman.” Dhallinyaro reer ka ah oo waxaa jira barta culuumta badda, cilmiga hawada sare iyo meerayaasha, bayloodnimo, kabtannimo, shidaal qodidda, daawo samaynta iyo waxyaabo badan oo waalliya. Barashadoodu waalli ma aha, balse in Jaamacad-ku-sheeggaan la gu barto baa waalliya

Jimcaale sannad kii afaraad ayuu dhiganayaa hadda, afartaa sano jaamcadda waa uu dhex joogay mooye, wax la taaban karo oo togan ma uu san baran. Sannadkii u horreeyay, waxa uu bilaabay kulliyadda shareecada, haddana sannad kii labaad ayuu ka beddeshay, caafimaad ayuu bilaabay, isna ka beddeley, injineerin ayuu ku xijiyay is na ka tag, sannad kii u danbeeeyay ayuu bilaabay kulliyadda siyaasadda iyo xiriir ka caalamiga ah. Waa nin aan waxbarashada asaasiga ah soo marin, marka waa ay adkayd si uu ula qabsado waxbarasho jaamacadeed. Afarta sano ba waa uu dhacay, dhicid kaliya maahee xitaa hal dhibic  maaddana waa uu keeni waayay. Wax meesha ka socdaba nin fahma ma aha. Isaga iyo inta la reer ka ah ee jaamacadda dhigata, dhicitaan ku dhib kuma hayo. Dhallinyarada reer ka jaamacadda lehi ma dhacaan, oo haddii ay dhacaan oo jaamacaddana ay ka tagaan soo qurbojoogtu lacagta dhowr ka dhacay jari mayso, macallimiinta qowlaysatada ah ee meesha u soo shaqo tagana lacagtu ku yaraan mayso. Dad ka kale ee aan reer ka ahayn ee jaamacadda ku soo khaldamay waa ay dhacaan, oo waliba halbuundo haddii ay ka dhimmanaato meesha waxba u ma yaalliin, hadde waa waxba. Sannad kii u danbeeyay jaamacadda buuq baa ka aloosnaa, maamul ka iyo macallimiinta ayaa madaxa is ku la jiray. Lacag ay reer ku dibadda ka soo diraan, buu guddoomiyahaan la qaad ka ah dhexda ku soo rifrifaa, macallimiintuna waa ay dareemaan in lacagtii loo gu soo talo galo iyo tan loo taago bil walba wax un si ka yihiin. Jimcaale isagu xafiis ka jaamacadda ayuu ka shaqaynayay beryahaan danbe, oo faylasha ardayda khaanadda ay ku jiraan buu maamulaa. Waa arday haddana maamul ka jaamacdda ayuu ka tirsan yahay! Dee waa jaamacaddoodii maxaad ka rabtaa? Waxba. Waa reer miyi hawl kar ah waana nin aammin ah, intaasaa na la gu doortay.

Jimcaale waa uu dareensanyahay xurgufta iyo xiisadda ka dhex taagan maamul ka iyo macallimiinta. Afka iyo sankaa la is ku buurayaa, la isma salaamo oo la is lama hadlo. Xaajo faraha ayay ka baxday, reer kii is ku duubnaa oo u diyaarsanaa in uu is ka difaaco reerayow ga kale, hadday noqon lahayd xag waxbarasho iyo xag wax-haysasho ba, maanta waa uu sii kala daadanayaa. Halkaan waa xafiis ka jaamacaddoodii, waa la is haystaa oo faraqaa la is ku dhegganyahay. Waa la murmayaa haddii la rabana caybaa la is ku higgaadinayaa. “Waryaa ma annagoo nool baad wax na gu kor cunaysaa, noo sheeg dee adaan kula hadlaynaaye. Waad is garanaysaan waxaa tihiin, jilib yaroo dhowr xabbo ah baad tihiin, reer ka waxba kuma soo kordhisaan, waxna kama dhicisaan. Guddoomiye xun baa lagaa dhigay kalabyahow kalab ku dhalay, markaasaad waxayagii na gu kor cunaysaa.” “Hanna la hadlin, naga fuq hanna taabanee bakhtiyahow bakhtigu dhalay. Adiga iyo adeer kaaga xun ee guddoomiyaha ah ba laba dulli baa tihiin. Magacayagaad ku joogtaan magalaadaan, markaasaad annagii na ga dhex bilowdeen. War sidaas hannoo ahaato waxaad ka heshiin baad leedihiin e.”

Muran ka iyo is maan-dhaaf ku, nasiib wanaag iyo nasiib darro hadba kii uu yahay waxa uu ku soo beegmay dabayaaqadii sannad ka iyo dhowr beri ka hor qalin-jebinta dufcaddii saddexaad ee jaamacadda reerkaan. Baladii iyo buuqii reer ka ka dhex hursanaa waxaa dajiyay maalmahaan, u diyaargarowga xafladda qalin-jebinta ardayda. Waa saddexdii saac ee barqannimo, waxa halkaan soo fadhiya waa ardaydii jaamacadda. Maanta ayay qalin-jebinayaan. Oo horta ha qalin-jebiyaane ma wax bay barteen? Maxaa hawshaa ku geliyay adiga, dibnahaaga ka adkow, soo xafladdii qalin-jebinta reer hebel ma joogtid. Cab shaaxaaga iyo sharaab kaaga, cun xalwadda iyo buskud ka, mar kii xafladdu dhammaatana kadinkaas ka bood. Yaa wax barta ma jaamacaddeenna baa wax lagu barta ma tiinna baa wax lagu bartaa, war ummadda islaameed hakaa ammaan hesho. Isla maalinta ay qalin-jebiyaan, baa jaamacadda iyo hawlaheeda loo dhammeeyaa. Ardaydu Allow na dhaafi bay ku hayaan gurigaan ciriirga ah ee jaamacad ku sheegga ah; maamul ka iyo macallimiintuna Allow hanna gu soo celin balaayadaan bay ku hayaan iyaguna.” Waa la is nacay oo la is karhay.

Waxaa ardaydii ka dhex kacay nin madow oo caato ah haddana dheer, waa ayo ninkaani? Muxuu u kacay? Muxuu doonayaa? Ninkaani waa Jimcaale, waxa uu u kacay waxa ay kuwii ka horreeyay u kaceen kuwa ka danbeeyana u kici doonaan. Waxa uu doonayaa in uu ninka halkaa taagan ee inta loo tago la salaamayo, dabadeed na waxa ballaaran la ga soo qaadanayo in uu u tago wixiisana ka soo qaato. Sii taltallaabsay oo nin kii u tag, salaan oo haddana sawir yara dhac la gu sii. Sacab aan sadriga ka soo go’in looga dhag-dhag sii. Dabadeed la guddoonsii, maxaa la guddoonsiiyay, een.. een.. shahaadadiisii, istaaqfurullaah, shahaado maaha waa kartoon. Haa waa waa kartoon uu sawirkiisu ka dhex muuqdo,  oo muxuu shahaado qaataa kulliyad uu bartay ba la ma yaqaan e. Horta muxuu afartaa sano bartay ma caafimaad ka ma shareecada ma injineerin ka ma culuumta siyaasadda iyo xiriir ka caalamiga ah, bal adba! Tan danbe un is dheh iyaduu ku danbeeyaye.

Sannad cusub ayaa bilowday, arday cusub iyo kuwa horay u dhiganayay ba waa ay joogaan jaamacadda. Sannad ka cuusb ma uu san damin dabkii ka dhexshidnaa maamul ka iyo macallimiinta. Hadda ayuu cirka is ku shareeray, sannad kii hore say xaaladdu ahayd, iyo sannad kaan say wax yihiin haddii la is-barbardhigo, sannad kii hore “iqarso” ayuu noqonayaa. Meel balo ka soo higleedahay hawlihii ka socon jiray baa ka socda jaamacadda reerkaan. Waxa meesha is ku haya waa hal reer, balse u kala baxay saddex lafood. Jilib ka macallimiin tu u badanyihiin, lafta guddoomiyaha iyo jilib kale oo iyagu is ka dhib yar balse ay muhiimtahay in ay dhan raacaan si meesha loo gu kala adkaado. Subax bay imaanwaayeen macallimiintii gadood ka wadey. May macallimiintii oo idil maaha, waxa aad tiraahdaa jilib ka macallimiintu u badnayd. Oo meeye inkaar qabayaashu? Xaggee bay jiraan? Xaggee bay ku soo daaheen? Meel ma jiraan, mana soo daahin, ee jaamacad u gaar ah bay furanayaan isbuuca soo socda. Meesha lagu kala tag oo la is ma yaqaan. Saddex jaamacadood oo ay kala leeyihiin saddex lafood oo is ku reer ah baa ka soo baxay meesha. Magaaladaan  ceebteeda ma aha ee waa caadadeeda, iyagu ugu ma horrayn reer kala gadooda oo haddana jilibba jaamacad furto. Saddex sano ka hor magaaladaan toban jaamacadood baa ku yaallay, haatanna toddobaatan baa ku taal. Waxaasi waa reero is af garan waayay, dabadeed na boorsooyin ka kala qaatay. Sannadaha soo socdana  jaamacaduhu boqol in ay kor u dhaafaan baala  rajaynayaa. Waligeed ba hawshu ha socoto. Waa loo ga horreeyay iyaga waana looga danbeyndoona. Aaway Jimcaale? xaggee ka dhacay? Yuu raacay? Waxaasi waa weyddiimo  is ka hadal ah. Yuu raaci lahaa, jilibkiisii buu raacaye. Oo miyuu ka hari lahaa, may. Oo xaggee uga hari lahaa, meelna.

Jimcaale raggiisii buu raacay “tol waa tolane.” Jaamacaddoodii ay furteen ayuu jooga. “Macallin” baa loo gu yeera, balse waa ninka aad garanaysid oo macallinnimo ka dheer. Waxa uu ku faanaa in uu bartay culuumta siyaasadda iyo xiriir ka caalamiga ah. Kabo madow, jaakad iyo surweel madow, boorso yara oo ay buugaag ugu jiraan iyo okiyaale weyn ayuu intaas wataa. Waa eber balse isagu barofisoor ayuu is ka aamminsanyahay. Qof kii sii fiiraya oo haddana si dhow iyo si dheer ba u dhugta waxa uu dareemayaa in ninkaan magaalo ba uu joogo wax toddobo sano ka yar. Toddobo sano?! Oo ma dhabbaa? Haa waa dhab oo dheel maaha.

Idaacadda reerkooda, idaacadaha maxalliga ah iyo kuwo caalimiya oo afsoomaali ku baxa in la ga waraysto ayuu jecelyahay. Tiro dhowr  jeer ah buu ku fashilmay dood-wadaag iyo warar xasaasiya oo la falanqaynayay. Galabta waa jimce, jimcaale aad yuu u faraxsanyahay, haa oo waa maalintii uu dhashay muxuu la farxi waayay. Laanta Af soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa lagu marti qaaday galabta. Bariga Dhexe xiisad ka taagan ayaa la gu falanqaynayaa doodda . Jimcaale kabaha ayuu la dulmaray intii dhagaysanaysay iyo kii waraysanayay xitaa, ingiriisi iyo carabi jajab ah ayuu si aan kala joogsi lahayn u adeegsanayay.

“Qodob ka u gu weyn maanta warkeenna waa xiisadda Bariga Dhexe ka soo cusboonaatay. Aqoonyahan Jimcaale ahna macallin jaamacad heblaayo  ka dhiga culuumta siyaasadda iyo xiriir ka caalamiga ah ayaan hor dhigay weyddiinta ah, maxay salka ku haysaa xiisaddaan iyo dhibta aalaaba Bariga Dhexe ka aloosan?”  “Thanks walaal, mar ka hore waxaa muhiim ah in la fahmo war maxaa meeshaan la isugu haystaa? Mar walba oo aad aragtid environment ay crisis ka taagan yihiin waa degaan important ah. Middle East gu waa region hodan ku ah saliidda cayriin. Waa gobol ay ku nool yihiin shucuub kala diimo iyo kala calture ah. Waxaa kaloo jira point very vary important ah oo ay tahay in doodda la gu darsado kaasoo ah: xarig jiid ka shiicada iyo sunniga u dhexeeya. Waa kale oo muhiin in aan la hilmaamin colaadda Israa’iil iyo waddamo badan oo carbeed u dhexaysa. Israa’iil waxa ay ku daaban tahay dawladda USA, oo ay ka hesho musaacadaat iqtisaadi ah oo badan, lama yaraysan karo kaalinteeda. Waxaa meesha ku jira doorka dawladda USA, oo la oran karo foreing policy-geeduba waxa uu seventy percentage and above target ka saara Middle East-ga. Waa region-ka ugu weyn dunida ee USA ay ka waddo mukaafaxatul-irhaabka.” Barafisoore ereyga mukaafaxatul-irhaab xoogaa dhegaystayaasha u jilci. “Macnaha waxa aan u la jeeda counter terrorism-ka, ah! Ma fahmaysaan miyaa waxaad u taqaannaan idinku baan filayaa la dagaalanka argagixisada. Waa gobol ay ka socoto iqtisaadul xarbi badan. Xalka kaliya ee gobolkaan waa in ay ka dhacdo inhiyaar iqtisaadi ah, waxa ay yiraahdaan weeye economic collapse, waxaa af soomaaliga la gu yiraahdaa baan jeclahay een..een.. iisheeg, ax waa ii gooyay, haa haa dhaqaale dun, mise dhaqaale dhac buu ahaa. Meeshaba waxa la is ku eryanayo waa khayraad ka gobol ka ee too much ka ah. “Barafisoore, ugu danbayn waa maxay saamaynta ay arrimahaas murugsan ee Bariga Dhexa ka socda Soomaaliya ku yeelan karaan.” “Waa question wanaagsan. Dawladda Soomaaliya waxa ay dhaqaale badan ka heshaa waddamada carabta, haddii iyaga qulqulatooyin cagaha la galaan, waxa meesha ka baxay dhaqaalihii Soomaaliya aysiin jireen, Soomaaliyana hadday deeqihii dibadda ahaa weydo development goals kii baa misleading uga dhacaya.” “Allaa yacisak barafisoore nin wax badan og baa tahay, kaasina waxa uu ahaa barafisoor Jicmaale oo culuumta siyaasadda iyo xiriir ka caalamiga ah ka dhiga jaamacad heblaayo. Barnaamij kii gaar ka ahaa ee uu martida noo gu ahaa Barafisoor Jimcaale, kaas oo aan uga hadlaynay Bariga Dhexe intaas buu ku egyahay, ismaqal danboo xiiso le. Nooli kulantee.”

W/Q: Cabdullaahiyamyam@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya
W/Q:- Cabdullaahi “Yamyam”

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid