Yaab cusub: Amisom oo ciidan Soomaali ah ka musaafurisay

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa bilaabay qorshe ay magaaladaasi kaga musaafurinayan ciidamo Soomaali ah, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu tababar uga socday halkaasi.

Toboneeyo askari oo qaarkood hubkii laga soo reebtay, ayaa maanta diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho, ka dib markii laga soo saaray Xerada Luglow ee Magaalada Kismaayo.

Ciidan kale oo ay soo musaafuriyeen Ciidamada Amisom, ayaa sidoo kale Arbacadii shalay diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la garanayn waxa sababay musaafurinta lagu hayo ciidamadaasi.

Xerada Luglow oo uu tababar uga socday qiyaastii 120 askari, ayaa 40 ka mid ah waxaa hadda lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho. Ciidamadan qaarkood waxaa la sheegay in qoryihii laga soo reebtay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalmaha ina soo aadan ay Ciidamada Amisom qorsheynayan in ciidan kale, ka soo musaafuriyan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah Amisom, kuna sugan Magaalada Kismaayo, ayaa la hadalhaya in ciidamada ku xareysan Jaamacadda Kismaayo, ay qaybtood u musaafurin doonaan Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya & Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland ay dejiyeen istiraatiijiyad, ay maalinba qayb ku celinayan ciidamada qaarkood, ee uu tababarka uga socdo Xarunta Jaamacadda Kismaayo iyo Xerada Luglow.

Ciidamada laga musaafurinayo Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa qayb ka ahaa Ciidankii Jubbaland ku metelayay isku dhafka ciidanka qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com