Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay go’aanka ay Wasiirada uga mamnuuceen la hadalka warbaahinta.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in dadka qaar ay amarkaasi u fahmeen si khaldan, lana doonaayo inaan warka si khaldan loo dhigin.
Waxa uu Kheyre tilmaamay in aysan cidna dhihin Wasiirada lama hadli karaan warbaahinta, balse loo baahan yahay marka laga hadlayo arrimo xasaasi ah in la wadatashado.
Ra’isul wasaaraha waxa uu cadeeyay in Wasiirada laga mamnuucay keliya inay saxaafada la wadaagan waxyaabaha keenikara ismaan dhaafka sida weerarkii Bariire.
Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay marka ay doonayaan in ay ka hadlaan arrimo kale in si wadajir ah looga wadatashado, maadaama masiirka dalka laga hadlayo.
Khayre ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan loogu magac daray Xukuumadda iyo Saxaafadda oo xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka tirsan Wasiiradiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

