Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa ka digay in dib u dhac ay ku imaado doorashada heerka Madaxweyne ee la filaayo inay dhacdo 12-ka bishan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay inaanu aqbali doonin in dib u dhac ay ku imaado doorashada xili ay heer gabogabo marayaan dhammaan dadaaladii lagu qaban lahaa doorashada.
Xildhibaan Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in iminka ay ku qanacsan yihiin sida ay wax u socdaan balse ay walaac ka qabaan in laga shaqeeyo fashil iyo dib u dhacyo kale oo ku imaada doorashada.
Waxa uu sheegay in la doonaayo in laga dhabeeyo ballankii ahaa qabsoomida xiliga doorashada, si buu yiraahday maamulka cusub uu usii dhameystiro howlaha harsan.
C/wali Sheekh Cali oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, ayaa sheegay in doorashada ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo aysan jirin in lagu darayo waqti kale.
Waxa uu sheegay in ay si wanaagsan u socoto diiwaangelinta musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, taasina ay muuineyso hab maamuuska iyo qaban qaabada doorashada.
Dhinaca kale, magaalada Jowhar ayaa waxaa ku qulqulaaya wufuud kala duwan oo doonaaya inay goob joog ka noqdaan doorashada, inkastoo ay suuragal tahay inuu dhaco dib u dhac.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

