Daabacaada lacagta been abuurka oo si xawli ah uga socota goobaha lagu daabaco ee Somalia

Warar xogogaal ah oo laga helay goobaha lacagaha lagu daabaco ee gobollo ka mid ah Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in ay si xowli ah  u socoto daabacaada lacagta Kunka Shilin ee Soomaaliga ah.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal indhahooda ku arkay ayaa sheegay in  la diyaariyey ku dhowaad 100 Konteenar oo ay ku jiraan warqadaha nooca loo yaqaan security paper oo ah nooc warqadeed aan loogu tala gelin in lacag laga sameeyo.

Hawl-wadeenada gacanta ku haya maamulaka daabacaada lacagta been abuurka ah oo isugu jira kooxo ganacsato iyo siyaasiyiin ah ayaa awood u yeeshay in wax-soo-saarkoodu uu ku saleysnaado haddba qaabka ay ku heli karaan faa’iidada ugu badan maadaama aysan  jirin cid awood u leh in ay ilaaliso ama kantaroosha .

Wararka dhiilada leh ee toddobaadkan la helayo  ayaa sheegaya in kooxahaasi ay ku hawlan yihiin daabacaada lacagtii ugu badneyd abid oo laga sameeyo gudaha dalka Soomaalliya.

(Currency pepper)  waa warqadihii horay looga sameeyey lacagaha been abuurka ah kuwaasoo tayadoodu ka wanaagsaned (security paper) oo ah kuwa hadda laga daabaco lacagaha been abuurka ah ee Kunka Shilin, warqadahaasoo laga soo dhoofin jiray dalka Indoneesiya ayaa qiimaha halkii Konteenar uu ku fadhiyey 70 Kun oo Doolar, waxaana adkeyd in lacagta laga sameeyo warqadahaas oo ka sameysnaa suuf ay si dhaqso ah u duugoobaan ama u tirtirmaan.

Kooxaha ku budoobay daabacaada lacagta been abuur ah ayaa wakhtiyadii danbe ka maarmay in ay soo iibsadaan warqadaha ay lacagaha ku daabaci jireen ee laga soo dhoofin jiray dalka Indoneesiya, waxaana u sahlanaatay in wadanka Imaaraadka Carabta ay ka soo waaridaan Warqadaha (Security Papaer) loo yaqaan oo ugu imaanaya qiime ka jaban kuwii ay horay  ugu soo iibsan jireen wadanka Indoneesiya, Halkii Kontooner  ee warqada (Security Papaer)  ayaa qiimihiisu dhan yahay 12 Kun oo Doolar oo keliya, waxaana laga daabaci karaa Halkii Konteerar lacag dhan 9 Bilyan oo Kunka Shilinka Soomaaliga ah, oo u dhiganta US$ 300 Kun oo Doolar.

Waxaa halkaan inooga muuqda farqiga qiimaha warqadaha (Security Papaer) iyo (Currency pepper)  u dhexeeya halkii Konteenar  oo dhan 70 Kun iyo 12 Kun oo Doolar iyo faa’iidada aan caqligalka aheyn ee daabacaada warqadahan lagaga umulinayo lacag ku dhow 300 Kun oo Doolar.

Bal tusaale u soo qaado 100 Konteenar oo (Security Papaer) ah in la daabacay bil gudaheed, xisaabi maxay noqoneysaa faa’iidada ay heleen shakhsiyaadka daabacda lacagaha been abuurka ah.

Sidee ku garan karnaa Lacagta laga sameeyey warqadaha Security Papaer.

  • Waxay muuqaal ahaan u eg tahay Kunka Shillin ee Soomaaliga ee la daabacay 1990kii, waxaana ka muuqda Saxiixyada Maamulkii dowliga ahaa ee dowladii Siyaad Barre, waxaadna garaneysaa in ay cusub tahay oo la daabacay xiligan, balse ay runtu tahay in ay been abuur tahay.
  • Tijaabi oo adiguba arag, soo qaado koob biyo ah kuna dhex rid warqad laga sameeyey Kun Shilin oo been abuur ah, faraha ku masax eeg isbedelka ku dhaca ama sida ay u nasakhanto.
  • sidoo kale soo qaado Kun Shilin oo la sameeyey 1990kii ama lacago kale oo ajnebi ah tijaabadan oo kale samee eeg waxa dhaca ama farqiga u dhexeeye.
  • Lacagtan marka ay mudo bil ka yar ay suuqyada ku jirto waxaa lumaya midabkeeda, waxaana isbedelaya urkeeda waxaana ku dhacaya (Rifan iyo Lisan) ugudanbeyna waxay noqonaysaa dhaqan ka bax, jeexjeexan iyo burbur ayaa ku imaanaya.

Khatarta Lacagta Been abuurka ahi leedahay:-

Kooxaha ka ganacsada lacagta been abuurka ah waxay isticmaalaan wejiyo badan oo ay ku socodsiiyaan wax-soo-saarkooda, sida weji qabiil, mid gobol iyo mid awoodeed, waxay koox walibana dacaayad ku furtaa lacagta ay daabaceen mida dhinac socota ee gobolo kale laga soo daabacay, waxayna ugudanbeyn ku khasbaan bulshadooda in ay socodsiiyaan lacagta lagu daabacay gudaha gobolkooda, iyagoo ku tilmaama in ay  tahay mida saxda ah ee xalaasha ah.

Dhibaataduse waxay ka bilaabataa kolka mudo gaaban gudaheed ay lacagahaasi isu ekaadaan marka ay duugoobaan, waayo dhamaantood waxay ka sameysan yihiin warqada A4 loo yaqaan, waa lacago dhamaantood been abuur ah, kana sameysan warqado aan loo tali gelin in lacag laga sameeyo, waxaana marka ay duugoowdo lacagtaasi ka soo hor-jeensada kuwii sameeyey oo ku eedeeya in gobolo iyo  meelo kala laga soo daabulay.

Bulshada Rayidka ah ayaa xanuunka ugu badani ka soo wajahaa lacagaha been abuur ah, kadib markii ay waayaan cid u sarifta ama wax uga iibsata, waxaana hubaal ah in kooxaha farsameeya lacagtan ay noqdeen kuwo Hal Maalin ku taajira, awoodna u yeesha in ay iibsadaan hantida ma-guurtada ah ee ay xaraashayaan danyarta ku cayroowday lacagtooda been abuurka ah.

Khataraha ay lacagaha been abuurka ahi u horseedaan bulshada ayaa noqda  kuwo xayndaab adag ku xiray nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxay sababtay in waalidiintu caruurtooda ka bixin waayaan kharashka iskuulada, ama ay awood u heli waayaan in ay gaaraan  goobaha caafimaadka iyo daaweynta oo waayadan danbe noqday  lacag adag,  waxaana loo aaneynayaa  sababaha ay maalin walba u geeriyoodaan caruur iyo dad waayeel ah oo u le’anaya xauuno sahlan oo daaweyntooda wax laga qaban karo.

Waxay horseeday lacagta faalsada ahi in shaqo la’aanta Soomaaliya ka jirta ay gaarto heerkii ugu sareeysay, taasina ay fududeysay in dhaliyadaradu wadanka ka tahriiban, dhibaato fara badanina ay kala kulmaan wadamada iyo baddaha ay isaga gudbayaan.

Dadka danyarta ah ee muruqooda wax kula soo baxa  ayaa awoodi waayay in ay suuqyada wax kaga iibsadaan waxa yar ee ay soo shaqeystaan, kadibna iyagoo aan dab shitaan ay gaajo ku seexiyaan ubadkooda.

Sidee Looga hortegi karaa isticmaalka lacagta been abuurka ah:-

waxaa aad u adag in laga hortago lacag aan sax aheyn isticmaalkeeda, waayo, waa kan ugu khatarsan burburka baahsan ee saameeyey guud ahaan wadanka Soomaaliya,  maadaama Bangigii dhexe ee Soomaaliya oo aheyd meesha kelliya ee laga ilaalin karo damaanada Sh.So. uusan weli awood u helin in uu soo daabaco lacag sax ah oo wadaniyiinta Soomaaliyeed isticmaalaan.

In DFS ay baaritaan ku sameeyso shakhsiyaadka ku hawlan sameynta lacagaha been abuurka ah iyo weliba goobaha sida joogtada ah loogu daabaco, bulshadana loo soo bandhigo magacyadooda, si mustaqbalka danbigooda loogu maxkamadeeyo.

Waxaa kaloo haboon in bulshadu diidaan isticmaalka lacagaha been abuurka ah, iyo in ay sariftaan ama wax ku iibsadaan, sidaasoo kalena dadka reer miyigi ah ay ka digtoonaadaan in ay xoolahooda ku bedeshaan lacag aan meelna ka soconeyn.

Maxamed Siciid Cumar (Kashawiito)
garsoor4@gmail.com