30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sawirro: Dhismaha xarunta cusub ee BF Somalia oo dhowaan la billaabayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onaline) – Waxaa lagu wadaa in dhismo cusub lagu bilaabo Xarunta baarlamaanka Somalia ee ku taalla Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Xarunta baarlamaanka ayaa waxaa dhawaan dhismaha ku bilaabaya Injineero Turki ah oo garabsanaayo Injineero kale oo Soomaali ah kuwaa oo wax kusoo bartay dalka Turkiga.

Injineerada dhismaha ku bilaabi doona Xarunta baarlamaanka ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho.

Injineerada ayaa dhismaha baarlamaanka ka hor marinaaya dhismo ka bilaaban doona Xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha xarunta baarlamaanka ayaa waxaa ka qeybqaadan doono Injineero dhowr ah kuwaa oo la doonaayo in dhismaha ay kusoo afmeeran muddo ka yar hal sano.

Dhismaha cusub ee xarunta ayaa waxbadan ka duwanaan doona dhismihii hore ee xarunta waxaana lagu wadaa in la dadajiyo dhismaha.

- Advertisement -

Read more

Local News