26 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Xog laga helay waxyaabaha ay ka wada hadleen Wasiir Juxa iyo Sheekh Shariif

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa, wuxuuna kulankaas ku saabsanaa xog wareysi iyo salaan.

“Waxaan Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore dawladii Federaal-ka ku Meel-gaarka ahayd ee Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho jooga” ayuu yiri Wasiir Juxa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu Sheekh Shariif kala hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa jiro warar la isla dhex marayo oo sheegayo inuu Juxa Sheekh Shariif kala hadlay xilka lagu xamanayo inuu qaban doono ee ah Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Sida laga war qabo waxaa bilihii dambe soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan inuu Sheekh Shariif qaban doono xilka Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta, inkastoo warkaas aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa tilmaameyso inuu Juxa kala hadlay Sheekh Shariif xilkaas iyo sida la isaga qeyb qaadan karo dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu markaan saldhigan doono Magaalada, waxaana gurigiisa kusoo booqday siyaasiyiin badan halka kuwa kalana ay hadda feel ugu jiraan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo ujeedka rasmiga ah ee uu Sheekha u yimid Muqdisho, balse waxaa la qiyaasayaa inay tahay arrimo siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana kamid ah dadka booqday guriga Sheekh Shariif uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News