Cadaado (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku jira xabsi guri, ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu uga hadlaayo xil ka qaadista lagu sameeyay Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ku taageersan yahay xil ka qaadista Hogaamiyaha Galmudug Xaaf.
Guddoomiye Cali Gacal Casir waxa uu ku dooday in waddo sax ah loo maray xil ka qaadista Xaaf, isla markaana uu taageersan yahay.
Cali Gacal Casir waxa uu sheegay in ay jiraan qodobo Dastuurka Galmudug iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka u ogolaanayo talaabada ay qaadeen Xildhibaanada.
Marka laga soo tago sheegashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, xogta aan ka helnay Magaalada Cadaado ayaa sheegeyso inay xil ka qaadistaas sameeyeen ilaa 17 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dawlad Gobaleedka Galmudug, Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta
WAR SAXAAFADEED
Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta fariistay kulan kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa, xubnaha baarlamaanka oo isbuucaan hakad la galiyey howlahooda shaqo ayaa waxaa fadhiga baarlamaanka xaadiray 55-xildhibaan.
Maadaama gudoonka baarlamanka galmudug uusan awoodin inuu ka qeybgalo fadhiga baarlamaanka sababo amni awgood, xildhibaanada sharafta leh waxey doorteen shir gudoon kumeel gaar ah sida ku cad Qodobka 65aad Faqraddiisa 2aad ee dastuurka federaalka Soomaaliya iyo Qodobka 8aad Faqraddiisa 2aad ee xeerhoosaadka baarlamaanka DGGM, waxaana fadhiga baarlamaanka maanta la hor keenay mooshinka xilka qaadista madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku saxiixan yihiin 45-xildhibaan, waxaana la mariyey habraaca mooshinka ee dastuuriga ah iyadoo baarlamaanka laga hor aqriyey qodobada dastuuriga ee uu madaxweynuhu ku xadgudbay, intaas kadib waxaa loo qaaday codka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha, waxeyna codeyntu udhacday sidaan soo socota: Oggolaaday: 52, Diiday: 2, Aamusay: 1.
Sidaa darteed waxaan cadeynayaa in ay sharci tahay xilka qaadista lagu sameeyey Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana madaxweynaha cusub lagu soo dooranayaa sida sharcigu qabo (30 cesho gudahood).
Mahadsanidiin
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]