Muxuu Dastuurka Dowladda Soomaaliya ka qabaa inuu Wasiiru Dowlaha go’aan soo saaro ?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xalay saqdii dhexe iyadoo la wada hurdo ayaa waxaa waraaq soo saaray Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha kaasoo sheegay inuu taageersan yahay go’aankii ay 17 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug ku sheegeen inay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf.

ka sokow inuu Dastuurka qabo inaysan wax ka yar 46 Xildhibaan xil ka qaadi karin Madaxweyne, ka sokow inuu Dastuurka Galmudug qabo inaan madaxweynaha Mooshin laga keeni karin 6 bil ka hor xil qabashadiisa, waxaa jiro qodob kale oo ka tirsan Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo diidayo inuu go’aan soo saaro Wasiiru dowlaha isagoo joogo Wasiirka Wasaarad kasta.

Sida ku cad qodobka 102 ee Dastuurka KMG ah Wasiirka ayaa mas’uulka ah howlaha Wasaarada, isaga oo joogana Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dowluhu kuma hadli karaan magaca iyo mas’uuliyada Wasaarada.

Qodobkaan ayaa noqon doono mid la jabiyo haddii uu sax noqdo go’aanka deg deg ah ee uu gaaray wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta oo garab ka helayo Xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo qaar ka tirsan Wasiirada.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobka Dastuuriga ah ee diidayo inuu wasaaradda u taliyo Wasiiru dowle iyo Wasiir ku xigeen inta uu joogo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ah Xildhibaan kasoo jeedo Deegaanada Galmudug ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkaan: