23.5 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Rasmi: Xaaf oo ku dhawaaqay inaysan Cadaado kasoo dagi karin diyaarad iyo Qoryaha Lidka Diyaaradaha oo lagu xiray Garoonka

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Magaalada Cadaado marka laga reebo kuwa safalka iyo AMISOM.

Markii ay soo baxday Waraaqdaan, Caasimadda Online ayaa si rasmi ah ula xiriirtay xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf si aan wax badan uga ogaano haddii ay waraaqdaan tahay mid sax ah iyo in laga been abuuray .

Xubnahaas ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay waraaqdaan tahay mid saxan isla markaasna uu isaga soo saaray.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada, Wasaaradda Amniga, He’adda saadaasha Hawada, Shirkadaha diyaaradaha ee sida gaarka ah loo leeyahay inay fuliyaan amarkiisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Cadaado ka imaanayo ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha lagu xiray Qoryaha lidka Diyaaradaha kuwaas oo la sheegay in lala beegsan doono diyaarad kasta oo jabiso amarka Madaxweyne Xaaf.

Xogta kale aan heleyno ayaa sheegayo in  waraaqdaan loo diray Xafiiska Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada sidoo kalana qadka taleefoonka laga wacay.

Xaaladda Cadaado ayaa ah mid khasan waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog ah, waxayna arrintaan ka dambeysay markii ay Xildhibaanadii tagay Cadaado sheegeen in waanwaantii ay wadeyn laga carqaladeeyey dhanka Dowladda Soomaaliya.

wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Madaxweyne Xaaf ee rasmiga ah

- Advertisement -

Read more

Local News