24.8 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Wafidigii Xildhibaanada oo loo diiday inay ka dagaan Cadaado iyo Diyaarada oo laga yaabo inay u duusho Cabudwaaq

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigii u duuli rabay Magaalada Cadaado ayaa loo diiday inay ka dagaan halkaas kadib markii uu Madaxweyne Xaaf soo saaray waraaq uu ku sheegay inuu joojiyey dhammaan duulimaadyadii halkaas tagi jiray marka laga reebo kuwa Samafalka iyo AMISOM.

Haddaba wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in laga yaabo inay Diyaarada qaadi rabtio Xildhibaanadaas ay u jiheysato Magaalada Cabudwaaq iyagoo qorsheenayo inay halkaas safar dhulka ah uga sii aadaan Magaalada Cadaado.

Magaalada Caabudwaaq ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro khilaaf ku aadan inay wafdigaan kasoo dagadan halkaas iyo in kasle, waxaana maamulka Magaalada ay u kala jabeen laba qeyb.

Sidoo kale wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Galmudug ayaa sheegaya in geesaha Magaalada la dhigay Ciidamo tiro badan oo lagum amray inaysan Magaalada soo gelin karin wafdigaas iyo nooc kasta oo gawaarida ah.

Xaaladda ayaa meel xun mareyso waxaana laga cabsi qabaa inuu halkaas ka dhaco dagaal ka dhex bilowdo beelaha ku midowbay Galmudug, arrintaas waxaa la aamisan yahay inay ka dambeyso dowladda Soomaaliya oo dusha saaran doonto wixii ka dhasho.

Xildhibaanada dowladda dirsatay ee uu hoggaaminayo Axmed Qoor Qoor ayaa qorsheenayo hadda inay ku dhawaaqaan in Caasimaddii Cadaado lala wareegay isla markaasna ay xildhibaanada Galmudug qaarkood ka dhaadhacsiiyaan inay si kumeel gaar ah ugu codeeyaan in Cabudwaaq laga dhigo Caasimadda sidaas halkaas cod iyo olole kale looga bilaabo.

Xildhibaanadii Shalay Cadaado u gaaray sidii ay xal ugu gaari lahaayeen badbaadinta Galmudug ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya faragelin cad ku heyso Galmudug isla markaasna aan loo dulqaadan doonin sida aan xogta ku heleyno.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

- Advertisement -

Read more

Local News