25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Kheyre oo sheegay in hal arrin kaliya ay ku xiran tahay inuu hagaago dalka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo siyaabo kala duwan ay u baahiyeen warbaahinta maxaliga ah, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somalia ay ka hanaqaado halka ay maanta taal.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Somalia ay guuleysan karto keliya goortii la helo ciidamo tayo badan oo hanakara amniga dalka.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in caqabadaha heysta Somalia ay koow ka tahay ciidan xumo iyo in la helo Taliyayaal ciidan oo taabagalin kara ciidamada loogu tallo galay inay wax ka bedelaan amniga dalka.

”Waxaa suuragal ah inaan dadka ku kala duwanahay aragtida waxaan qabaa in horumarka Somalia ay ku xiran tahay keliya ciidamo ay ka go’an tahay hagaajinta Somalia”

Kheyre waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhibaatada heysata dalka Somalia ay tahay mid ku xeran dhanka amniga isla markaana muhiim ay tahay in la helo dowlad wanaag si amniga dalka loogu guuleesto.

Sidoo kale, Kheyre ayaa wacad ku maray inay sara qaadi doonaan tayada ciidamada amaanka si loo adkeeyo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Hadalka Kheyre ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay marti galineyso amni darro, waxaana sii kordhaaya dilalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News