26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

War ka cusub guddigii loo xil saaray kiiska Qalb-Dhagax oo waqtigooda la gaaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bishii September; 2017, waxaa ay Guddi u saareen dhiibista Dowladda Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax una dhiibtay dowladda Itoobiya.

Guddigaas ay golaha shacabka u saareen kiiskan ayaa loo qabtay in ay baaritaankooda ku soo dhameeyaan ka hor 10-ka October oo shalay ku beegneyd islamarkaana ay la wadaagaan Golaha shacabka iyo ummadda Soomaaliyeedba natiijada baaritaankooda.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah Guddiga loo xil saaray Kiiska Qalbi Dhagax in ay u sheegeen in baarlamaanka la horgeynayo maalinta sabtida ee Todobaadka soo socda kuna beegan 14-ka Oktoobar.

Guddiga ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaye mas’uul katirsan Dowladda gaar ahaan Saraakiisha Ciidamada si ay ugu xog wareystay Dhiibistii C/Kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax si ay Baarlamaanka ula hor tagaan Xogta kaga soo baxdo kulamadooda.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa sheegaya in Guddiga ay suura gal tahay in kahor baarlamaanka ay u bandhigaan Natiijada Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka, si Mudanayaasha ka sugayo Natiijada ay ugula tashadaan gudiyada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa kulan ahaan iyo Kalfadhi ahaan fasaxneen hadane Ma fadhiistaan kulamadoodii, Muddo todobaad ah Xildhibaanada ma yeelan kulamadoodii caadiga ahaa, kulankii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka ayaa u baaqday Kooram la’aan sida xiligaasi uu sheegay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa kolkii C/Kariin Shiikh Muuse loo dhiibaye Dowladda Itoobiya ku maqnaa fasax muddo ahaa, waxaana kolkaas loo fasaxay Xidhibaano baarlamaanka katirsan oo Soo Xajinaye.

Xubnaha Guddigaaan oo 15-Xildhibaan ka kooban ayee Xildhibaanada Golaha Shacabka Sabtida ka sugayaan in ay Hor geeyaan waxyaabaha ugu soo baxay Baaristooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News