Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maamulka Somaliland uu geeyay ciidamada aad u farabadan.
Ciidamada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa xalay lagu arkay Xaafadaha Waaweyn ee Magaalada laas-Caanood kuwaas oo ilaa Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Magaalada laas-Caanood.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaalilan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan kuwa Maamulka Khaatuma garabka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatuma.
Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Maamulka khaatuma uu ciidamo usoo daabulay deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeedo doorashada Maamulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigeen.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

