Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo weli uu socdo Gurmadka loo sameynayo Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Zoobe ayaa Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO waxay Dadkaas ugu deeqdey lacag gaareysa 70 kun oo doolar oo Shirkada ugu talagashey in lagula Tacaalo dadkii ku dhibaatoobey Qaraxaasi
“Marka hore waxaan ka tacsiyadeyneynaa Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxaas inta Dhimatey Allaha u Naxariistio inta Dhaawaca ah Ilaah ha Caafiyo Deeqdaan waxaan ugu talagalney hadii aan nahay Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO qaar la gaarsiiyo Guddiga Gurmada Qaran sidoo kale waxaa ugu tala galney Deeqdaan in la gaarsiiyo dhamaan Isbitaalada kala duwan ee Jiifta Dhaawacyada iyo Aqoonta Aabayaashooda ku dhinteen Qaraxaasi” sidaa waxaa yiri Maamulaha Shirkada Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Maxamed Saadaq Shiikh Maxamed oo Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Shirkada ee Magaalada Muqdisho oo intaa sii raaciyey
“Waxaan u Mahadcelinaynaa Dowlada Turkiga sida Dhaqsiyaha badan oo ay uga jawaabtey in ay si deg deg ah ku Caawinto Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxaasi, waana marka la kala ogaado Walaalkaada Dhabta ioyo kan kale marka aad baan u soo dhaweyneynaa Garab istaaga Dowlada Turkiga shacabka Soomaaliyeed
Maamulaha Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Mudane Maxamed Saadaq oo ay Garab fadhiyeen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirakada waxaa uu sheegey in Shirkada ay waligeedba ka qayb qaadan jirtey u Gurmadshada dadka Soomaaliyeed ee Dhibaatooyinka la soo Gudboonaadaan sidaa Darteed waxaan mar waliba Diyaar u nahay in aan ka Jawaabno Baahiyaha Bullshada Soomaaliyeed
Mudane Maxamed Saadaq waxaa uu u soo jeediyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Shacabkooda gaar ahaan dadkii dhibaatada ka soo gaartey qaraxaasi sida Caruurta agoonta ah iyo kuwa kale ee Halkaas ku waayey ganacsigooda maadaama Meelaha qaar laga biilayey Boqolaal Qoys
Ugu dambeyntii Waxaa uu sheegey in Shirkada sidii uu dhacay Qaraxii Zoobe ay Wadeen Taakuleynta dadka ku waxyeeloobe Qaraxii Soobe Waxaa uu sheegey Mudan Maxamed Saadaq Shiikh Maxamed in ay Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Markiiiba ka howlgashey goobtii Qaraxa uu ka dhacay si dib loogu soo celiyo Iftiinkii halkaas ka jirey sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay nagu gacansiiyaan adeega aan u hayno Bulshada Soomaaliyeed.