Sawirro: Sacuudiga oo Muqdisho kasoo dajiyay diyaarad sida dhaawacyo iyo dawo

Muqdisho (Caasimada Online)-  Dowlada Sacuudiga ayaa DFS ku wareejisay dawo la sheegay in loogu tallo galay in gargaar caafimaad loogu fidiyo ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u tabaaleysan helida gargaar caafimaad.

Deeqdan dawo ayaa waxaa dowlada Somalia ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Sacuudiga, waxaana la sheegay in deeqdaasi ay daba socto dalab ay dhawaan dowlada Federaalka weydiisatay Sacuudiga.

Diyaarada siday dawada ayaa waxaa saarnaa qaar kamid ah dhaawacyadii dhawaan loo qaaday dalka Sacuudiga ee ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada la socday diyaarada siday deeqda Dawo ayaa waxaa sidoo kale saarnaa dhaawacyo ku waxyeeloobmay Qaraxyo dhowr bil ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa   uga mahadcelisay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.