Senator Fartaag “790 Guri oo Soomaali leedahay ayaa dhanka Kenya maray”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii Dowladda Soomaaliya u xil saartay in ay soo baaraan muranka ka taagan Xaduud beenaadka Belad-xaawo ee Gobalka Gedo, kaas oo u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Belad-xaawo iyo Dowladda kenya.

Senator C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah guddigaasi ayaa Golaha aqalka sare ka hor sheegay in Shacabka ku nool Belad-xaawo ay Guddiga u sheegayn in ay Kenya dhulkeeeda ku darsatay 790 Guri oo markii hore ku yiilay Gudaha Soomaaliya ee Belad-xaawo.

“Sidey inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta, maamulka iyo waqxgaradka aan ku aragnay B/xaawo, waxay inoo sheegeen barta siligan uu soo maray ee hadda Lixda KM dhisan oo wabiga laga bilaabo illaa magaalada Afkeeda ah in 790 guri oo Soomaaliya ay leedahay iney dhanka Kenya martay, xuduud beenaadkaasi marka ma keenaa mise kooda, waa mid u baahan in la saxo, laakiin siligaasi hadda maray ee dadka dhagax tuureen waxaan idiin sheegayaa golaheena aqalka sare 790 Soomaalida leedahay iney xaggaasi martay, Soomaalida Kenya ma ahan ee waa Soomaalida Soomaaliya” ayuu yiri Senator Fartaag.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan waxay kusoo xadgudubtay xuduuda aan rasmiga ahayn ee dhanka B/xaawo, waxaana arrintaasi kahoryimid shacab arrintaasi kasoo horjeeda.

Waxaa dhanka kale jira magaalooyin kale oo sidan oo kale dowladda Kenya uga waddo boob xooggan oo dhanka xuduudda ah.

Dhinaca kale, guddoonka aqalka sare ayaa sheegay in uu xiran yahay kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, Xildhibaannada ayaa galay fasax 2 bil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com