Sawirro: Sidee ayuu usoo xirmay kalfadhigii 2-aad ee Golaha Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lasoo xiray Kalfadhiga Labaad ee  Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kalfadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadiray 30 Xildhibaan , iyadoona Xildhibaanada ay ka kooban yihiin 51-Mudane oo matala maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir.

Ajendaha Golaha ayaa ahaa dhageysiga warbixin ku saabsan Arrinta Xuduuda ee Degmada Baladxaawo iyo Xiritaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Senater C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Golaha Siiyey Warbixin ku saabsan Xadka iyo Darbiga Dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Fartaag ayaa nuqulada hadalkiisa waxaa kamid ahaa “Arrintan Xadka waxaa sameeyey Dowladaha Talyaaniga iyo Ingiriis Sanadkii 1935 runtii waxaa nala socday qubaro dhanka dhulka ah kuwaas oo wax badan ka yaqaan arrinta, waxay qubarada noo sheegeen in dhowr mitir gudaha Soomaaliya u soo galay Siliga Dowlada Kenya Dhiseyso, 790 Guri Soomaaliya leedahay ayaa Siliga ay Kenya Dhiseyso dhinaca kale kamaray”.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaali oo mid ah dhulkeeda inay difaacato.

Intaas kadib Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa soo xiray Kalfadhigii labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Labada Bil ee soo socota ayaa Mudanayaashu fasax galayaan balse waxaa jiri doonta Xaflad weyn taas oo si guud loogu soo xirayo kana qeyb galayaan Madaxda Dowlada.