Akhriso 8 shuruud oo lagu xiray musharaxiinta u tartameysa doorashada kursiga B/xawaadle uga banaan BFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa manta soo saaray sharruudaha laga doonayo Musharaxiinta u tartamaya Kursi Xildhibaanimo.

Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ibraahim Ismaciil ‘’Xaliimo Yareey’’ ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la ilaaliyo shuruudaha Musharaxiinta.

Guddoomiyaha guddiga iyo xubno katirsan guddigaasi, oo kulan la qaatay Hogaamiyaha maamulka HirShabelle, ayaa isla qaada dhigay hanaanka doorashada kursiga faaruqa ah ee baarlamaanka.

Xaliimo Yareey iyo xubnaha ka tirsan guddiga ayaa sheegay in doorashada kursi kabanaan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ay doorashadiisu ay ka  dhaceyso Magaaladda jowhar.

Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay  in muddo todobo Maalmood ay ku diiwaan gelin doonaan Musharaxiinta u tartameysa Kursigaasi Xildhibaanimo ee banaan.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaaya doorashada Kursiga banaan ayaa soo bandhigay 8  qodob oo laga doonaayo musharaxiinta:-

1-In musharaxa u tartamaaya Kursiga banaan uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed.

2-In musharaxa tartamaaya ay da’diisu ka yaraanin 25 sano jir.

3-Inuu heysto ugu yaraan  Shahaado waxbarasho oo dugsi sare ah.

4-In hay’adda dambibaarista ee  CID-da uu ka keensado waraaq cadeeneysa in Maxkamad la saarin, Dembina uusan gelin shantii sano ee lasoo dhaafay.

5-Inuu kasoo jeedo Beesha Xawaadle, gaar ahaan Cali Madaxweyne.

6-Inuu saxiixo xeerka Anshaxa Musharaxiinta.

7-Inuu Guddiga uu usoo gudbiyo codsiga Musharaxnimo laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 03 ilaa iyo 10- Bisha Janaayo ee Sanadkaan 2018.

8-Waa inuu bixiyaa Lacagta Diiwaan Gelinta Musharaxiinta, Musharaxa haddii uu Rag yahay waxaa laga doonayaa Lacag dhan 5,000 oo Dollar, Haddii ay Haween tahayna waxaa laga doonayaa 2,500 oo Dollar.

Geesta kale, Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare, ayaa ugu baaqay musharaxiinta u tartameysa Kursiga banaan ee Xildhibaanka Federaalka inay raacaan shuruudaha ka kooban 11ka balse laga soo bandhigay 8 ugu muhiimsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com