Kheyre oo weerar dadban ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah DSF

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay talaabooyinka ay qaadayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada Somalia.

Kheyre waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ka dhageysan doonaan dhaliilaha wax dhisaaya.

Kheyre waxa uu sheegay in qorshahooda uu ku jiro dhageysiga talooyinka mucaradka, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay sida loo dhageysan karo Siyaasi ay taladiisu dalka dumineyso!

Khayre ayaa wuxuu sheegay in uu soo dhaweynaayo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo aragti wax dhiseysa ku mucaaradaya nidaamka dowladnimo ee dalka ka jira, waxa uuna diiday in lagu khasbo qaadashada aragti mucaarad oo dumineysa dowlada.

Kheyre wuxuu sheegay inay ka digayaan dhaliilaha danaha shaqsiga ku jirto ee shacabka Soomaaliyeed aysan dani ugu jirin.

Wuxuu tilmaamay inaysan marnaba diideyn dhaliil u tilmaamaysa wadada wanaaga, ayna u baahan yihiin dhaliilaha noocaasi ah ee wax lagu toosiyo.

Dhinaca kale, waxa uu ballanqaaday inay u nuglaan doonaan talada Siyaasiyiinta aan aheyn waxa uu ku sheegay Qaran dumiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com