Sanbaloolshe oo loolan adag la gali doona Musharaxiin miisaan ku dhex leh B/xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe,ayaa wakhti badan ku bixinaaya dib ula soo laabashada xubinimadiis baarlamaanka Somalia.

Sanbaloolshe, ayaa loolan adag kala kulmaaya musharaxiin dhowr ah oo kula tartami doonta xubinimada baarlamaanka, waxaana soo baxaaya in qaarkood ay ku gacanseeren codsi uu usoo jeediyay Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe, ayaa baqdinta ugu badan ka qaba Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax oo garab weyn ka heysta dhanka dowlada Federaalka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle.

Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Waare ayaa isna garabtaagan C/fitaax oo xiligaan u tafaxeydanaayo kursiga Beesha Xawaadle ee banaan, waa haddii uusan Sanbaloolshe la imaan Siyaasad ka duwan tan uu iminka dheelaayo.

Sidoo kele, Ergooyinka dooran doona Musharaxa ku munaasibka ah kursiga banaan ayaa qaarkood minka gaaray magaalada Jowhar oo noqon doonta halka ay doorashada ka dhici doonto.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Xaliimo Ibraahim Ismaciil ‘’Xaliimo Yareey’’, ayaa ku baaqday in musharaxiinta ay ilaaliyaan mudada diiwaan galinta iyo shuruudaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com