RW Kheyre oo 3 arrin halis ah uga digay Saraakiisha ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Xukuumadiisu aysan ka raali noqon doonin in la lunsado xuquuqda Askar har iyo habeen usoo jeeda badbaadinta dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in falka is dabamarinta xuquuqda ciidamada ay la socodkiisa u xilsaaren guddiyo gaara oo aan muuqan, waxa uuna ku goodiyay in sharciga ay horgeyn doonaan cid waliba oo falka ceynkaasi ah ku lug leh.

Kheyre waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay xukuumadiisa siin doonto Askariga iyo shaqaalaha kale ee dowlada, sidaa aawgeed aysan ka aamusi doonin cabashooyinka ka imaada dhinacyadaasi.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Saraakiisha hogaamisa ciidamada Qaranka uga digay Seddex arrin oo kala ah:

1-Ku xadgudubka xuquuq askari

2-In Saraakiisha aysan ku tagrifali karin awoodaha ciidan.

3-In Saraakiisha ay askarta dowlada u isticmaali karin qaabab sharci daro ku ah Qaranka.

Kheyre ayaa sidoo kale, ciidamada dowlada ku amaanay inay u dhabar adeegan difaaca dalka, waxa uuna sidoo kale ballanqaaday inay la socon doonaan dhammaan xaaladaha ay mar waliba ku jiraan.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili uu dhiiri galin u sameynaayay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com