Xabsiyada Ethiopia oo laga sii deynaayo Siyaasiyiinta Mucaaradka & Soomaali la sheegay inay ku jiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay sii deyneyso dhammaan Maxaabiista Siyaasiyiinta ah ee u xiran arrimaha Siyaasadeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay dib uga fiirsaneyso go’aankii lagu xiray Siyaasiyiinta.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in deysmada Siyaasiyiinta ay tahay mid lagu hormarinaayo dib u heshiisiinta qaran, waxaana kamid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda dhulka Soomaalida.

Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Siyaasiyiintaasi laga ridi doono xukuno ku dhacay qaarkood, waxaana la cafin doonaa dhammaantooda.

Sidoo kale, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in siyaasiyiinta hadda dacwada ku socoto iyo kuwii horey loo xukumay kiisaska la tirtiri doono ama la cafin doono, sida ay wakaaladda wararka AFP kasoo xigatay.

Siyaasiyiinta uu cafiska deysmo ku dhici doono ayaa waxaa ku jira kuwo Soomaali ah oo kasoo horjeeda dowlada Ethiopia iyo maamulka Jigjiga.

Dhinaca kale, Hailemariam Desalegn ayaa go’aankaas qaatay xili uu kulan la qaadanaayay hoggaamiyeyaasha kale ee xisbiga talada dalka haya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com