Soomaaliya hannaan maaliyadeed oo la ammaanay sanadkii 2017, maxaa sabab u noqday?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Bandhigga wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin si dhaw ula socday hannaanka Maaliyadda dalka.

Masuuliyiintaas ayaa ka aragti dhiibtay habka loo maareeyey maaliyadeed Soomaaliya sanadkii tagay, caqabadaha ku xeeran iyo sababaha dib u soo nooleeyey ee sida weyn ay u amaaneen beesha caalmka.

Khubarada iyo Masuuliyiinta ku xeel dheer dhaqaalaha Soomaaliya ayaa tilmaamay labo sababood oo horseeday guulaha maaliyadeed ee la gaaray sanadkii 2017kii kuwaas oo kala ah:

1-    In Madaxda Qaranka ay dadaal dheer ku bixiyeen hir gelinta miisaaniyad hufan oo dhammaystiran iyagoona u madax baneeyey maamulka iyo maareynta dhaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda taas oo meesha ka saartay lacago si khaldan loo maareyn jiray.

2-    Wasaaradda Maaliyadda oo warbixino joogta ah u soo gudbin jirtay laamaha iyo hay’adaha ay shaqo wadaagta yihiin sida Baarlamaanka DFS, Bangiga dhexe, Hay’adda Lacagaha Aduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.

Arrinkan oo dar-dar geliyey xallinta caqabado badan oo horay u wiiqay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya sidoo kalena ka hor tag u noqday musuq maasuq baahsan oo ka dhex jiray.

Guulaha sida weyn loo tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah, in tan iyo bishii 2aad ee sanadkii tagay ay ku guuleysatay dowladdu bixinta Mushaharaadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Rayidka ah, waana markii ugu horreysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe sida ay xaqiijiyeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Rayidka ah Xasan Abshir Maxamed.

Sidoo kale, masuuliyiin badan ayaa ku ammaanay Wasaaradda Maaliyadda xiriirka wanaagsan iyo wada shaqeynta dhow ee ay la yeelatay dolwad Goboleedyada dalka taas oo horseeday in dhidibada loo taago hannaan Maaliyadeed  oo ka tarjumaya baahida iyo awoodda dhaqaale ee dalka.

Dhawaan ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Hay’ada Lacagta IMF ay ku bogaadiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya habka ay u maareyso lacagaha dalka iyo sida loo jaangooyey miisaniyadda sanadkii tagay iyo miisaaniyadda cusub ee 2018ka.

Hay’adda Lacagta Aduunka waxay xaqiijisay in hannaanka maareynta maaliyadda ee Soomaaliya uu haatan cagta saaray wadada saxa ah arrinkas oo suurta gelinaaya in daymaha laga dhaafo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii looga cafin lahaa dalka Daymihii horey loogu lahaa oo gaaraya 6 Bilyan oo doolar, arrinkas oo caqabad weyn ku noqday horumarka kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyadoona Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay marar badan ku cel celiyeen in aysan wax deyn ah galin doonin dalka inta ay xilka hayaan.

Deynta ugu badan ayaa lagu yeeshay Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadkii 2013 ilaa 2016 kii oo wixii ka horreeyey sanadkii 2013kii waxa ay ahayd deynta lagu leeyahay Soomaaliya Labo Bilya oo doolar taas oo ka dhigan in ay labo labmatay  deynta lagu leeyahay dalka muddaas kooban gudaheed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com