Xildhibaanada Mooshinka ka soo gudbiyay Jawaari oo dooranaaya Guddoomiye cusub & baarlamaanka oo kala jabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay shir degdeg ahaa oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan garabka Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada kulmay oo aad u badnaa ayaa waxa ay sharci darro ku tilmaameen goโ€™aankii Guddiga joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda.

Xildhibaanadaan ayaa xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka, hase ahaatee ay beeninayaan goโ€™aanka Guddiga.

Xildhibaanada kulmay ayaa sheegay in Jawaari ay ku eedeynayaan khaladaad dhowr ah, waxaana kamid ah xil gudasho laโ€™aan, Ku xad gudubka Dastuurka, Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid laโ€™aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirka jaraaโ€™id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciga iyo Dastuurka u yaalla.

Xildhibaan Maxamuud Macalin, waxa uu tilmaamay in wixii shalay ka soo baxay kulankii Guddiga joogtada ay ahaayeen kuwo aan xeerka iyo sharciga waafaqsaneyn.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoomiye (Jawaari) aanu Guddoomiye u aheyn Golaha shacabka inta uu xukunka ka dhacayo.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa โ€œGuddi joogtana goโ€™aan kama gaari karaan Mooshinka (Jawaari) Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaallo, annaga Mooshinka aan wadno waa mid ku socda dariiqa saxd ah.โ€

Xildhibanada kulmay ee Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa sheegay in wixii xiligaan ka danbeeya aysan shaqo wadaag aheyn Guddoomiye Jawaari, waxa ayna cod dheer ku sheegen inay soo dooranayaan Guddoomiyihii bedeli lahaa Jawaari.

Geesta kale, waxa ay Xildhibaanada ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiye cusub oo bedeli doona Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News