Mahad Salaad oo si cajiiba uga hadlay Mooshinka Jahwareerka dhaliyay ee laga gudbiyay Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay Mooshin la sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Mahad Salaad, oo la hadlaayay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari uu yahay mid ku imaaday qaab khaldan.

Xildhibaan Mahad Salaad, waxa uu tilmaamay in Mooshinka laga gudbiyay Jawaari laga soo abaabulay Villa Somalia, sidaana ay ku fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Mooshinka waxa uu ahaa mid markiisa hore laga soo abaabulay Villa Somalia, marka aan aragnay qaabka uu ku imaaday waan fashilinay’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad, waxaa uu sheegay in mooshinka uusan noqon sidi la rabay oo lagu fashilmay , xildhibaanada riixaya ee saxiixayna ay ku jiraan wasiiro kamid ah Xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku raacay inuu sharci ahayn Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, maadaama nidaamka loo soo maray uu ahaa mid aanan wanaagsaneyn.

Sida sharciga ah Mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darteed ayay guddigu sheegeen in la waayay tirada saxda ah ee loo baahnaa in Mooshin lagu keeno.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com