Xildhibaan kashifay halka laga soo abaabula Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Abuukaate oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia oo ka hadlaayay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay abaabushay Xukuumada Somalia.

Xildhibaan Abuukaate, waxa uu sheegay in abaabulka Mooshin uu ahaa mid soo jiitamaayay muddo badan, sidaa aawgeedna ay Xukuumada Somalia ku dooneyso inay kursiga ka tuurto Jawaari.

Abuukaate, waxa uu tilmaamay in 40 kamid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ay yihiin Wasiiro Xildhibaano ah.

Xildhibaan Khaliid Cabdi Cumar oo isna kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in mooshinka uusan noqon sidi la rabay oo lagu fashilmay , xildhibaanada riixaya ee saxiixayna ay ku jiraan wasiiro kamid ah Xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa ay Xildhibaanadan ku nuux-nuuxsadeen in Xukuumada Somalia ay u taagan tahay inay meesha ka saarto dhammaan shaqsiyaadka kasoo haray dowladii hore.

Si kastaba ha ahaatee, mooshinka ayaa noqday mid fashilmay kadib markii ay sidaasi ku dhawaaqeen Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com