Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee BFS oo ka jawaabay wadada loo maray Mooshinka Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay go’aankii ay mooshinka ku laaleen gudiga joogtada.

Guddoomiye Muudeey oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka uu isaga kaliya u yeero karo Go’aankii ay mooshinkaas ku laaleena uusan waxba ka jirin.

Muudeey, waxa uu sheegay in Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu dhaqan galay.

Waxa uu Muudey sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu tilmaamay Mooshinkasii iyo qaabka uu u shaqeynayo uu isaga leeyahay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa shirka Jaraa’id ayaa ahaa “Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaano, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga Joogtada u yeeristiisa anigaa is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn inuu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro.”

Guddoomiye Muudeey, ayaa sidoo kale sheegay in kulankii Guddiyada joogtada ee lagu buriyay Mooshinkii xildhibaanada inuusan aheyn mid sharci ah, maadaama uu tilmaamay in Guddiyada aysan awood u laheyn in arrintan ay go’aan ka gaaraan.

Waxa uu intaa raaciyay in Mooshinka laga soo gudbiyay Jawaari uu yahaymid loo maray waddo sax ah, sidaa aawgeed la doonaayo in la dhaqan galiyo, iyadoo aan la eegeynin Jawaari howlihiisa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mooshinka uu buray, Sabtida wixii ka dambeeyana ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, balse C/wali Muudey ayaa tilmaamay go’aanka kulamada Baarlamaanka inuu isaga leeyahay ilaa arrintan ay ka soo gaba gabowdo.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid laba u kala qeybsamay oo kalfadhigiisa Saddexaad uu ku furmay Mooshin ilaa hadda aanan ku socon salfadhiya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com