Maxaa laga filan karaa mowjadaha Siyaasadeed ee ka dhashay kalfadhiga 3-aad ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – 10-kii Bishaan waxaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho kalfadhiga 3 aad ee Barlamaanka 10 aad ee Somaaliya! Muuxuuse kaga duwan yahan kuwii ka horeeyey?.

Dawlad-nimada Somaliya waxaa soo maray 10 Barlamaan oo kala ahaa:

1-Xilligii wasaayada gumeysiga 1956 – 1960, hal Barlamaan lkn mas’uuliyad wayn ma saarnayn, faataxo iyo tabaruc ayaana lagu soo xulay, lamana aqoon xilligaas ahmiyada Barlamaanka.

2-Dawladii Madaniga 1960 – 1969, laba Barlamaan ayaa soo martay oo laga soo doortay gobalada iyo degmooyinka lkn culeyskiisa iyo tiradiisuba way yaraayeen, wuxuuna ka caa kuf ugu jiray dawlad barasho.

3-Xilligii Kacaankii Oktoobar 1969 – 1990. Waxaa soo maray laba Barlamaan lkn talada iyo go’aanka dalka waxaa lahaa golihii sare ee kacaanka iyo xisbigii hanti-wadaaga.

4-Xilligii ku meel-gaarka 2000 – 2012, waxaa dalka soo maray 3 Barlamaan oo ahaa kuwii ugu tirada badnaa uguna tayada yaraa, mana lahayn go’aano masiiri ah markii laga reebo go’aankii 2010 lagu badbaadiyey Badda Somaliya, waxeyna ahaayeen ku meel-gaar ku shaqeeya Charter.

5-Xilligii Dawlad rasmi ah, Federaal ah, Barlamaani ah, leh Dastuur iyo hay’ado la aqoonsanyahay 2012 – 2017, laba Barlamaan ayaa soo martay oo ah hay’ada ugu sareysa dawladda Somaliya una xirsaaran sharci-dejinta, jaangooyada siyaasada dalka, doorashada, ansixinta iyo ilaalinta laamaha fulinta, ilaalinta dastuurka, midnimada, madax-banaanida iyo khayraatka dalka, waxaana saaran mas’uuliyada ugu sareysa ee laamaha dawlada. Iyaga oo ku nool duruufa adag kuna shaqeeya xaalad kala guur ah.

Barlamaanadii hore waxaa looga bartay dhaqana u aheed: mooshinno ku socda madaxda dalka oo joogta ah, fadhi ku dirir joogta ah, safaro joogta ah, jago iyo lacag raadin joogta ah, gobaleysi iyo qabiileysi, khilaaf iyo shisheeye kal-kaal, aqoon yaro iyo karti xumo iwm.

Barlamaanka 10 aad oo laba sana jirsaday, kalfadhigiisa 3 aad wuxuu ku bilawday dhaqan ka duwan kii hore looga bartay. Waxaana ka muuqda bisayl siyaasadeed, wadaniyad iyo gobanimo, kadib markii uu kalfadhigiisa ku bilaabay midnimo iyo qaraar lagu difaacayo khayraadka dalka laguna ilaalinayo karaamada iyo madax-banaanida dalka, dhinacna iska dhegeen gobaleysi, qabiileysi iyo mooshinadii Madaxda qaranka, una jeesteen in si wada jir ah loo difaaco masiirka dalka.

Hadaba kalfadhigaan3 aad waa looga fadhiyaa lagana sugayaa in uu xaqiijiyo sanadkaan hawlaha qaran ee hor-tebinta leh ee uu ku tilmaamay gudoomiye Jawaari xafladii furitaanka. Iyo in ay bedelaan dhaqankii is qab-qabsiga, mooshinada madaxda, gobaleysiga iyo qabiileysiga, kuna hogaamiyaan dawlada iyo dadka aragti siyaasadeed, difaaca khayraadka iyo qaran-nimada.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com