Muuse Biixi oo niyad jab uusan filaneynin kala kulmay dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Isutaga uu ugu horeeyo dhaxalsugaha dalkaas Sheekh Maxamed Bin Sayid.

Madaxda Imaaraadka iyo Muuse Biixi Cabdi,ayaa si guud uga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay suuragalnimada in xal loo raadiyo Heshiiska Berbera iyo saameynta uu Heshiiska ku yeelankaro go’aanka uu baarlamaanka Somalia ku laalay Heshiiska.

Muuse Biixi, ayaa dhaxalsugaha Sheekh Maxamed Bin Sayid u sheegay inaanu jirin cabsi ay Somaliland ka qabto in go’aanada dowlada Somalia uu saameyn ku yeesho Heshiiska Dekadda Berbera ee u dhexeeyay Imaaraadka, Somaliland iyo Ethiopia.

Biixi, waxa uu dhaxalsugaha u cadeeyay in Somaliland ay nasiib gaara u aragto in xiisada ka dhalatay Heshiiska ay ku gaaran gooni isutaaga ay muddaba raadinayeen, waxa uuna u ballanqaaday inaanu dayici doonin Heshiiska iyo badbaadintiisa.

Biixi, waxa uu tilmaamay in culeyska uu kaga imaankaro keliya marka ay talaabo qaado Jaamacadda Carabta oo uu sheegay in laga sugaayo ka Jawaabida Dacwada ay dowlada Somalia ka gudbisay Heshiiska.

Dhaxalsuge Sheekh Maxamed Bin Sayid, ayaa Muuse Biixi, u sheegay in Imaaraadka Carabta ay xiriir ka heshay Hoggaanka Sare ee Jaamacadda Carabta,waxa uuna u cadeeyay inay sii kordhayaan culeysyada kaga imaanaya dhanka Heshiiska.

Sheekh Maxamed Bin Sayid, waxa uu Mr Biixi ka dalbaday in maamulkiisa ay ku raacaan go’aan waliba oo kasoo bixikara Imaaraadka Carabta waxa uuna ka meermeeray inuu ka runsheego qorshaha ay Imaaraadka ka qaadan doonto Heshiiska Berbera.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dib kala soo xumaaneysa Heshiiska awooda leh oo ay la gashay Maamulka Somaliland iyo Ethiopia, kaa oo ku saleysnaa Dekadda Berbera, waxaana suuragal ah in dowlada Imaaraadka ay dib u hakiso Heshiiska sababo la xiriira culeysyada jira aawgood.

Rajada Biixi ee Heshiiskaasi ayaa u muuqata mid mugdi sii galeysa, wallow ay suuragaltahay inay soo baxaan qorshooyin ka duwan kan iminka fashilmay ee Imaaraadku daadihinaayo.

Sidoo kale, Biixi ayaa saacadihii ugu danbeeyay rajo xumi ay kasoo foodsaartay kulanka waxaana suuraga ah in magaalada Dhabi uu kasii aado Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Biixi uu ku tagay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay arrinta Dekadda Berbera ee Shirkadda DP World.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com